Qodobka 9Aad Ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Nidaamka Siyaasadeed! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qodobka 9Aad Ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Nidaamka Siyaasadeed!
September 15, 2019 - Written by Editor:

Qodobka 9Aad Ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Nidaamka Siyaasadeed!

1;Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda

Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag,

dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.

2;Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka

Jamhuuriyadda Somaliland Kama badnaan karaan

saddex (3) xisbi.

3;Iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo

furan karo xisbi siyaasi ah, waxaa reebban in xisbi

lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad.

Haddaba caawa fiidkii oo aanu ka qayb galnay xaflad lagu xusayey maalinta dimuqaradiyada aduunka 15 Sept 2019 , oo ay soo qabanqaabisay #iscosomaliland ayaa falanqayntii iyo su’aalihii aanu is waydiinay waxa ka mid ahaa ;

Nidaamka siyaasadeed ee dalku maadaama oo uu dimuqaraadi yahay isla markaana Xukuumada iyo xildhibaanada umada ka wakiilka ahi ay ka soo baxayaan axsaab siyaadeed , hadii aanay axsaabta gudahoogaba aanay ka jirin dimuqaradiyadi , oo wax kale iska daaye hadii aad gudoomiyaha dhacdo kaga fikir duwanaato xisbiga lagaa saarayo sidii soo dhacday , sidee loo heli karaa dal dimuqaraadi ah ?

Waxa ay ahayd su’aal aan weydiiyey garyaqaan ka qayb galayey falanqaynta iyo wax iska waydiinta halkee ayeynu ka maraynaa dimuqaradiyada iyo nidaamka dastuurkeenu tilmaamay ee doorashooyinka , xoriyaadka , xuquuqda aadamaha iwm.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil.

BURCO SOMALILAND

 

COMMENTS
LINKS