WAJAALE NEWS
Yaa U Sababa Hoos U Dhaca Heerka Waxbarasho Ee Dugsiyada Dawladdu Maamusho?
September 16, 2019 - Written by Editor:

Burburkii Dalka guud ahaan, waxa sidoo kale bur-buray dhammaan adeegyadii bulshada sida waxbarashada iyo Caafimaadka.

Haddaynu ka hadalno  dhinka waxbarashada, waxa burburay dugsiyadii dalka ka jiray iyo gebi ahaan habka iyo hannaankii waxbarasho. Markii dalka dib loogu soo laabtay, waxa la yagleelay  waxbarashadii iyadoo barayaal wadaniyiin ahi is xilqaameen kuna bilaabeen dhismayaashii  burburay oo haba yaraatee aan la hayn kaabayaashii waxbarasho. Dugsiyadaasi may  lahayn hadh ama saqaf sare oo ardayda ka difaaca ama ka celiya kulka falaadhaha qoraxda ee toos ugu dhacayey iyaga oo hadhka gidaarka hadba dhinac u raaci jiray. Ma jirin kuraas ay ardaydu ku fadhiisato iyo miisas ay wax ku qortaan midnaba. Waxa kuraas u ahaa daasado, miisasna dhabtooda ayaa u ahayd.

Muddo ka dib, waxa la billaabay in la dayactiro dugsiyadii iyo kaabayaashii waxbarasho intii suuro gal ahayd. Sidoo kale oo la bilaabay in gunno yar oo kooban loo qoro barayaashii sida mutadawacnimada ah u bilaabay hawsha.

Ma jirin wax manhaj ah oo barayaashu ay ka midaysanyihiin. Macalin kastaa waxa uu adeegsan jiray hadba wixii buug waxdhigiseed ah ee uu heli karo. Muddo ka dib ayaa Wasaaradda Waxbarashadu ay billawday  in ay midayso manhajka ay barayaashu raacayaan.

Waxa la billabay in la tayeeyo hanaanka waxbarashada dalka. Waxa si fiican u shaqeeyey waaxaha iyo xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Waxbarashada. Waxa kordhay tirade ardayda dugsiyada la qorayo iyo sidoo kale tirada barayaasha ka hawl gala. Maalinba maalinta ka danbaysa, waxa la dareemayey isbeddel togan hor leh dhanka waxbarashada.

Hordhacaa kooban ka dib, maxaa xigay?

Su’aasha is weydiinta mudani waxa ay tahay yaa ka masuul ah hoos u dhaca ku yimi waxbarashada Dugsiyada ay Dawladdu maamusho?

Hoos u dhaca waxbarasho ee dugsiyada ku jira gacanta Dawladdu maaha mid maanta bilabmay ee waa mid la kowsaday markii uu Xisbiga Kulmiye la wareegay hogaanka Dalka. Maalinba maalinta ka danbaysa waxa isa soo tarayey  dib u dhac ku imanayey dugsiyada ay Dawladdu maamusho. Waalidiin tiro badan ayaa Waxbarashada  ubadkooda u wareejiyey dugsiyada gaarka ah. Dib u dhacaas waxa loo sababayn karaa qodobadan hoos ku xusan.

1; Markii ay talada la wareegtay xukuumadda kulmiye 2010 kii, waxa ay ku dhawaaqday in waxbarashada aasaasiga ahi ay tahay lacag la’aan(FPE), taasi waxa ay keentay lacagtii yarayd ee waalidku siin jiray dugsiga meesha ka baxdo taa beddelkeedana xukuumaddu la warregto. Maba xuma, balse waxa lacagta wasaaraddu ka yaraatay tii uu macalinku waalidka ka heli jiray. Waxa sidoo kale la waayey lacagihii dugsigu ku bixin jiray biyaha, nadaafadda iyo dyactirka intaba. Lacagtaas oo maamulku ka dhex samayn jiray dakhliga guud ee dugsiga. Ma jirin kharash dheeri ah oo wasaaraddu ugu talo gashay dugsiyaas.

2; Waxaa hoos u dhac weyni ku yimi deegaankii dugsiyada. Waxa joogsaday dayactirkii ay wasaaradu ku samayn jirtay dugsiyada. Iyadoo dakhligii lagu bixin jiray loo adeegsaday dano gaar ah.

Argagax ayaa ku dilaya marka aad aragto goobaha waxbarasho ee wasaaraddu gacanta ku hayso. Dugsiyadan idiin muuqdaa waxa ay ku yaalaan Caasimadda Hargeisa. Maxaa laga filayaa Dugsiyada ku yaala Ceerigaabo, Sool  ama Awdal.

3;  Waxa hoos u dhacay isla xisaabtankii maamulka iyo barayaasha ee dugsiga dhexdiisa. Maamulku waxa uu gacanta ku hayey dhaqaalaha la siiyo baraha waanu la xisaabtami karayey, balse markii taasi meesha ka baxday waxa meesha ka baxay la xisaabtankii maamulku baraha la xisaabtamayey.

4;Kormeerka wasaaradda waxbarashada oo noqday mid fadhiid ah. Waaxda kormeerka dugsiyada waa tii kormeeri lahayd shaqada iyo hanaanka shaqaalaha. Xubinta kormeerka ah eek u qoran dugsiga waxa la arki jiray maalmaha ay barayaashu mushaharka qaybsanayaan, wakhtigii dugsigu lacagta qaadi jiray taas oo macalin kastaa garooc yar u tuuri jiray kormeeraha, isaguna war fiican oo malaawaal ah ka gudbin jiray dugsiga. Maantase, waaba yartahay inta xubin kormeeri dugsi timaaddaa.

5; Hawlwadeenada Wasaaradda waxbarashada oo halkii ay la tartami lahaayeen dugsiyada gaarka ah ku mashquulay cambaaraynta iyo dhaleecaynta dugsiyada gaarka ah iyaga oo hadh iyo habeen TV ka hadlaya kuna mashquulsan dhaliil iyo cambaarayn cid kale halkii qorshe hawleed la iman lahaayeen.

Ma jirto daraasad ama warbixin waxbarasho oo khuseeya waxbarashada Dalka oo wasaaraddu la wadaagto bulshada. Taasi waxa ay keentay in aan marnaba baadhitaan buuxa lagu samayn hoos u dhaca iyo waxa keenay toona.

Dugsiyada qaar ayaa waxa ay ku dhawyihiin in ay xidhmaan qorsha xuma awgeed waxa ka mid ah Dugsiga Sare ee Maxamed Aadan Sheef iyo kuwa kale oo la mid ah.

Barayaal badan ayaa u digo rogtay dugsiyada gaarka sababo dhaqaale awgeed.

Waxa ay ayaan darrada ugu weyni tahay, in aanay jirin sannad ay wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ka dhaqaale iyo itaal roontahay maanta. Lama odhan karo dhaqaale yaraan ayaa sal u ah mushkiladda.

Agasimayaasha iyo agaasime waaxeedyada oo u badan niman dhalin yaro ah, waa kuwo la odhan karo xalkoodu waa mid ku salaysan caadifad iyo khibrad yari. Waa niman uu koobanyahay wakhtiga ay u huraan hawl maalmeedkooda shaqo, balse taa beddelkeeda wakhti badan ku bixiya fadhiga majlisyo ay isugu yimaadaan kuna gorfeeyaan arimaha loo igmaday iyagoo soo saara go’aamo mirqaan lagu bineeyey oon meel mar noqon Karin.

Isku soo wada xooriyoo qodobadaa aan kor ku soo xusay iyo kuwo kale oo tiro badaniiba waa kuwa halkaa dhigay Dugsiyada ay Dawladdu maamusho.

Kuma faraxsanin oo waa ubadkayagii iyo kuwo la mid ah kuwa wax ku bartaa, waxase keenay in aanu xusno markii ay dadkii hawshaa loo igmaday ku mashquuleen meel kale iyo cid kale oo doorkii ay lahayd ka soo dhalaashay.

Dugsiyada Gaarka ahi waa isha keliya ee maanta ay bidhiiqsato Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku. Nasiib darro, tiina waxa ay rabtaa in gacanteeda iska riddo.

Nin dawee la leeyhay,

Danbi uu badh leeyahay,

Xalks doon la leeyahay,

Isaguu u daranyoo,

Inuu daaro ma ogola ,

Deebaaqda mililka leh.

Abwaan Gaariye Alle ha u naxariisto.

Muxuu yahay Xalku?

Waxa aan kaga hadli doonaa maqaalka kan xiga haddii Rabbi ogolaado.

Cabdicasiis Xasan Faarax.

Garaaddiini@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews