Murugo Iyo Farxad Maalmo Isku Xigay Dhacay!W/Q;Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Murugo Iyo Farxad Maalmo Isku Xigay Dhacay!W/Q;Barkhad-ladiif.
September 23, 2019 - Written by Editor:

Waa Askari jooga furinta hore ee Tuko raq, waxa dugsiyada dawlada uga soo baxay laba caruur ah oo hadda u baahan jaamacad, dugsiga dawladu markii hore bilaash buu ahaa, haddase jaamacadu waa dollar aanu goyn Karin.

Askarigii wuxuu u yimid wiil ehelkooda ah oo caruurtiisu dhigato dugsiyada gaarka loo leeyahay kuwo ugu qaalisan oo qofkiiba laga qaado boqol dollar, wuxuu ku yidhi “walaalo laba caruura dugsigii sare dhamaystay,ilmahaagan boqolka dollar ku dhigta badh iga jar oo dugsiyada kan ka jaban qor si mid ka mid ah jaamacadda ugu daro,halka ka labaadna aan meelaha uga soo xeeraamo fee-giisa.”

Ninkii uu waydiisanayey ee $100 dolar ilmihiisa ku dhigto dugsiga waa afar jir, halka askariga ilmihiisa jaamacadda galayaanne yahay 20 jir, waxaanu askarigu ku yidhi ninkii ay qarabada ahaayeen “dugsigan boqolkan dollar ee aad qortay wiilkaaga waxaad ku bedeshaa dugsi kale oo ka jaban oo isla kuwo gaarka loo leeyahay ah oo 40 dollar ama 50 dollar ah, anigana baaqiga ilmahaaga aad iga soo jartay ha igu dhigto jaamacadda waa hadii aanad awoodin inaad iga bixiso labada caruur mid ahaan.

Ninkii lacagta la waydiistay ilmihiisii wuu ka saari kari waayey dugsigi uu la rabay, ilmihii ay ehelka ahaayeen’a wuu u awoodi kari waayey inuu jamacada ka bixiyo, waxaanu ku yidhi askarigii “ faraj baa imanne bal aynu meel kale ka raadino lacagta jaamacadda.”.

Ninkii oo murugaysan tallana ku cadaatay, shaqadiisiina laga sugayo ayaa waxa yimid maalmo naruuro iyo niyad dhis ah.

Maalmo yar ka dib wasaarada waxbarashada ayaa dugsiyada dawladda kooto uga dhigtay deeqdii waxbarasho ee dalka timid, waxaanay askarigii u noqotay fursad qaali ah oo labadii caruur ee uu uu u raadinayey lacagta jaamacada ayaa helay jaamacado bilaash ah oo ku guulaystay tartankii loo gallay deeqda waxbarasho, waxaanay ka mid noqdeen ardaydii dugsiyada dawlada ku jirtay ee hellay deeqaha waxbarasho ee Itoobiya.

Askarigi isagoo faraxsan ayuu dib ugu noqday furintiisii uu heeganka ugu ahaa qaranka ee uu dhiiga u shubayey sidii uu qarankan barakaysan u ilaalin lahaa.

Ninka ii waramaya waxa uu Ii sheegay in deeqaha waxbarashadda ardayda heshay u badan yihiin caruurtii askarta, taas oo walaac badan iyo warwar badan ka furatay askarigii furamaha joogay.

W/Q:Barkhad-ladiif Mohamed Omar.

 

COMMENTS
LINKS