Shaqo Dadkii Qabanayey Aan La Daryeelin, Sidee Ayaynu Uga Doonaa Wanaag Iyo Horumar? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaqo Dadkii Qabanayey Aan La Daryeelin, Sidee Ayaynu Uga Doonaa Wanaag Iyo Horumar?
September 25, 2019 - Written by Editor:

Waan kala midaysanahay Mohamed Jama Abgaal in aan qofku xil dawladeed oo aan mushahar ku filan noloshiisa oo xalaal ah lahayn aanu isku qaban , waa runtii oo qofkii damiir leh ee cidhib xumo aduun iyo cadaab aakhiro ka baqayaa isugu dhowaan maayo , aniguna hore ayaan uga cudur daartayba arimahaa…

Hadaba dadka masuuliyadaha iyo shaqaalaha qaranka ahi waa laba qaybood oo qaybi waa masaakiin dulmanayaal ah oo shaqada ay qabtaan qaranku ku taagan yahay , saacadaha ay shaqeeyaan tahay saacado iyo wax ka baxsan nidaamka aduunka isla markaana xuquuqda aadamahaba xadgudub ku ah , waana dadka ugu dhaqaaalaha yar ee aad moodo in loogu talogalay adoonsi iyada oo lagaga faaiideysanayo baahida iyo shaqo la’aanta dalka taalla , sidaa ay umada ugu raran yihiin ayey ku dhintaan , ku laxaad beelaan , ku gaboobaan oo lagaga maarmaa !!!

Qolada labaadna waa in aan waxba u aabo yeelin oo daliiga iyo daldalaada xoolaha umada u badheedhay isla markaana xataa qortay dad ku ilaaliya shaqooyinka ay joogaan oo suuqyada ka difaaca iyo  qaar kale oo waxaa umadda ee la laba gacmoodinayo  lagu biiliyo oo iyaga u shaqeeya , dadka qaar waxa ay u yaqaanaan fariido ka faaiideystay maalmihii ay fursada haysteen laakiin anigu waxa aan u aqaanaa falaago aan xataa u soo faraxalan xoolaha umada .

Waxa aan marwalba sheegaa oo aan meelkasta ka sheegaa in aan dalkeenu hagaagayn ilaa dadka adeegyada dadweynaha hayaa ay helaan wax ku filan oo ay quutaan , daryeel caafimaad , waxbarasho , Nal , Biyo , Hoy iyo xaqsiin ay helaan , daacadnimada iyo shaqo wanaaga oo derejo sare loogu dalacsiiyo , wakhtiga ay shaqeynayeen iyo waayo aragnimadooda oo wax u goysa  iyo waxii wanaagsan ee dhiirigalin u noqonaysaba loo sameeyo.

Shaqaalaha dawlada iyo ciidamada oo kali ahi ma qabaan duruufahan ee xataa waxa qaba dadka shaqaalaha  u shaqeeya ganacsatada iyo meelo kale oo badan marka laga reebo hay’adaha caalamiga ah intooda badan oo iyagu ku shaqeeya nidaamka shaqo iyo shaqaale ee la isla yaqaano aduunka , markaa shaqo qofkii qabanayey aan la wanaajin shaqo wanaagsan dhali mayso.

Halganada dalkani loo soo galay way badan yihiin dad baa 28 kaa sanadood ee qarankani dib ula soo noqday dawladnimada u rarnaa oo duruufo adag u soo dhabar adaygay dadkooda iyo dalkoodana dalcado adag kala soo baxay , dad baa u soo dagaalamay oo u dhintay oo u laxaad beelay , qaar baa maanta furimaha iyo dhaxamaha u taagan , qaar baa tabaruc iyo wax aan dhaamin ugu shaqeeya ,  markaa hadii aan la is abaal marin oo aan la is daryeelin intii la awoodo dal ahaan iyo dawlad ahaan ma jirto meel aynu gaadhaynaa oo taasi waa xaqiiq , markaa waxa haboon oo dalkani u baahi qabaa shuruucdii shaqaalaha guud ahaan  , ciidamada , iwm ilaalinaysay ee daryeelaysay , ee derajaynaysay in waxwalba laga horeysiiyo si shaqada iyo qofkuba qiimo u yeeshaan.

Dadka dawlada u shaqeeya waxa bahda lagaga saaray oo lagu adoonsaday in aanay xaqooga ka hadli karin ax odhan karin oo waxaa loo isticmaalaa odhaaho iyo hab dhaqan dawladihii kalitaliska laga dhaxlay oo ah hadii aad xaqaaga ka hadasho waa sir qaran oo waa wax yeello , shaqadaa lagaa eryi iyo waxyaabo noocaas , horta wax ay tahayba mooyaane dadku marka ay dawlada u shaqo tagaanba way bahdilmaan , markaa dadka qaranka u shaqeeya dulmi iyo cadaalad daro weyn ayaa haysata , marka taa la hagaajiyo ayuu dalku hagaagayaa , dadkani 70% ka mid ahi waxa ay ka mid yihiin danyarta duruufuhu la hadheen ee xaqoogu aasan yahay ( Somaliland ta qarsoon ).

Soo qodida Somalilandta qarsoon iyo Xuquuqaha aasan

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS