Afar Qollo Ama Kooxood Sharciga Way Ka Sareeyaan Oo Laguma fuliyo Haday Waxay Doonaan Sameeyaan! W/Q;Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afar Qollo Ama Kooxood Sharciga Way Ka Sareeyaan Oo Laguma fuliyo Haday Waxay Doonaan Sameeyaan! W/Q;Barkhad-ladiif.
September 25, 2019 - Written by Editor:

1;Siyaasigu sharciga wuu ka sareeya, inta uu ku cunno oo uu ku dhaco oo waxa ummaddu leedahay is mariyo ayaanu sharcigu qabanayn, hadii sida uu doonno wax u dhici waayana waxa uu awoodda inuu dadka kiciyo.

 2;Maalqabeenku inta uu waxa uu doonno sameeyo oo dhiiga umadda jaqaan hadii maalin dantiisa laga horyimaadda waxa uu awooda inuu dalkaba khalkhalgaliyo sharciguna ma qabanayo.

3;Wadadaada waa quwad kale oo sharciga ka sareeya, intay ka shaqaystaan oo waxay doonaan sameeyaan ayaanu sharcigu qaban, waana dadka kaliya ee si toos ah u yidhaahda doorashadu waa xaaraan, xeerarka lagu heshiiyey in lagu dhaqmaana aaminsan in aanay waxba ka jirin, nabadda lagu jirana cidda ka faa’iidda waa iyaga, sharcigu ma qabto.

4;Madax dhaqameedka ayaa iyaguna ah kuwo aan sharcigu qaban oo ka sareeya oo waxay doonaan samayn kara.

 

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.

COMMENTS
LINKS