Shirkad Ay Leeyihiin Maafiyada China, Oo Falal Musuq-maasuq Ka Gaysatay Dalalka Bariga Afrika, Oo Dedaal Ugu Jirta Inay Qaadato Mashruuca Wadada Hargeisa BYPASS Road Route 200! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkad Ay Leeyihiin Maafiyada China, Oo Falal Musuq-maasuq Ka Gaysatay Dalalka Bariga Afrika, Oo Dedaal Ugu Jirta Inay Qaadato Mashruuca Wadada Hargeisa BYPASS Road Route 200!
September 28, 2019 - Written by Editor:

Shirkad ay leeyihiin koox katirsan budhcada maafiyada ah ee dalka China, oo magaceeda la yidhaahdo, Chongqin International Construction Corporate ( CICO), Isla markaasina dhac, boob iyo falal musuq-maasuq oo baahsan ka gaysatay, qaar kamida dalka bariga Afrika ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay u qaadan lahayd Mashruuca Dhismaha Wadada Hargeisa BYPASS Road Route 200 ee magaalada Hargeysa waqooyiga ka maraysa.

Shirkada Trade Mark East Africa ee gacanta ku haysa Qandaraaska Mashruuca dhismaha wadada 200 ee dusha ka maraysa caasimada Hargeysa, oo dhawaan warbaahinta caalamiga ah ee bariga afrika, mashruucan tartankiisa ku baahisay, ayaa todobaadkii hore kulan ay ku kala xulanayso ku qabay, magaalada Hargeysa, shirkadihii soo xaraystay tartanka dhismaha mashruuca waddan 200, kaasi oo ay liiskii tartamayaasha isku soo hadheen sadex shirkadood oo ay kamid tahay, Shirkad ay lee-yihiin qaarkamida maafiyada Shiinaha oo magaceeda la yidhaahdo Chongqin International Construction Corporate ( CICO) ,

Riix links kan hoose si aad u akhridid warbixintan

https://www.developmentaid.org/#!/tenders/view/475171/prq20181136-civil-works-for-constructionof-the-hargeisa-bypass-road-route-200-in-somaliland

Shirkadan oo xarunteeda guud tahay dalka China, isla markaasina farac ku leh qaar kamida dalalka Geeska Afrika, ayaa waxa ay caan ku tahay musuq iyo wax is daba-marin balaadhan oo ay ku kacday, intii ay ka hawlgalaysay dalalka Afrika ee ay faraca ku leedahay.

Falalkan musuq-maasuqa ah ee ay shirkadani ka samaysay dalalkan Bariga Afrika ayaa waxa ay sababeen in laga mabnuuco fulinta iyo qaadashada madhaariicda horumarineed ee caalamiga ah gaar ahaan dalalka Bariga Afrika iyadoo sidoo kale laga mabnuucay in ay wax mashruuca ka qaadato Baanka Horumarinta Afrika iyo haayadaha caalamiga ah ee la midka ah.

Mashaariicdan ay ku fashilantay isla markaasina ay musuqday Shirkadan Chongqin International Construction Corporate ( CICO) ayaa waxa kamida  shan mashruuc oo ay qandaraaskooda ka qaadatay dalka Yugandha.

Mashaariicdan dalka Yugandha ayaa gabi ahaanba ay ku fashilan tay iyadoo isla markaasina dawlada dalkaasi Yugandha ay ka joojisay fulintooda, isla markaasina ay ka mabnuucday inay wax qandaraasyo ah oo kale ka fuliso, dalkaasi Yugandha, waxyaabaha sida aad ka ah loola yaabay ayaa waxa kamida kadib markii ay si badheedha u lunsatay, magdhawgii loogu talogalay.

Shirkadan budhcada ah ee sidaan xaga hore kusoo xusnay magaceedu yahay, Chongqin International Construction Corporate ( CICO), ayaa sidoo kale lagu helay inay intii ay ku hawlanayd mashaariicdii ay ka fulinaysay dalkaasi Yugandha ay si sharci daro ah u guratay macdanta dihin ee dalkaasi iyadoo isla markaasina si badheedha hawlgalo badan oo ay ku xadayso macdantaasi kula kacday buurahii ka ag dhawaa meelihii laga fulinaayey mashaariicdan kuwaas oo ay qaar kamida u isticmaashay inay miino waa-weyn ku qarxiso buurahan macdanta ah si ay ugala baxdo macdanta ay xadayso.

Riix links kan hoose si aad u akhridid warbixintan

https://www.newvision.co.ug/new_vision/news/1507294/police-arrests-suspects-explosives

Haayadaha dawliga ah ee dalka Yugandha ee sida baaxada leh uga qayliyey isla markaasina u fashliyey musuq-maasuqa iyo wax is-daba-marinta shirkadan Chongqin International Construction Corporate ( CICO) ka gaystay dalkooda isla markaasina dacwadaha tooska ah iyo xayiraadaha ku soo rogay shirkadan ayaa waxa ay kala yihiin:-

  • Baarlamaanka dalka Yugandha oo kal-fadhi gaar ah ka yeeshay kadib markii laga qayliyey musuqa iyo boobka shirkadani iyo shirkado kale oo maafiyadan china leeyihiin ka wadaan dalkooda, iyagoo isla markaasina kasoo saaray go’aamo wax lagaga qabanaayo arinmahaasi.

Riix links kan hoose si aad u akhridid warbixintan

https://ugandaradionetwork.net/story/kadaga-demands-prosecution-of-corrupt-chinese-contractors

  • Wakaalada Jidadka ee Dalka Yugandha oo soo saartay warqad ay kaga mabnuucayso shirkadan mashaariic inay ka fuliso dalkooda soo saartay
  • Wakaalada Dakhliga ee dalka Yugandha ayaa sidoo kale shirkadan iyo shirkado kale oo Maafiyada China ku leeyihiin dalkaasi ku eedaysay inay lunsadeen dakhligii dawlada isla markaasina ay samaysteen rasiidho been abuura ah.

Riix links kan hoose si aad u akhridid warbixintan

https://eagle.co.ug/2018/05/25/chinese-companies-top-uras-list-of-canceled-clearance-certificates.html

ama riix linkigan hoose

https://eagle.co.ug/wp-content/uploads/2018/05/Public-Notice_Invoice-generators_VAT-Fraud_releasedupdated.pdf

Dhinaca kale dhalinyarada dalkaas Yugandha ayaa in badan mudaharaadyo baaxadle oo ay kaga cabanayaan shirkadan ka sameeyey deegaanadii ay mashaariicda ka waday iyagoo isla markaasina ka qaylinaayey, sida ay jaanisyadii shaqo ee kasoo baxay mashaariicdan uga keensatay shaqaalihii qaban lahaa dalka China isla markaasina ay xitaa ka dagaalantay ay wax dhaqaale ah ku celiso dalka Yugandha isla markaasina Agabkii cuntadii iyo gaadiudkiiba ay uga keensatay China, xitaa aanay ka iibsan xabad biyo ah oo yar dalka Yugandha.

Hadaba hadii shirkadaas maafiyada ah ee hadhka cad boobtay dalalka Afrika ee dawladaha waa-weyn leh , maxaynu ka fili karnaa inay dalkeenana ka samayn karto,

Shirkadan maafiyada ah ee sida aynu xusnay magaceeda loosoo gaabiyo CICO ayaa oo haatan laga soo caydhiyey dalalka kale ee bariga Afrika ayaa hada ku hawlan sidii ay ku hanan lahayd mashruucan dhismaha wadada 200 ee laga wareejinaayo waqooyiga caasimada Hargeysa kaasi oo ay hada kamid noqotay sadexdii shirkadood ee kusoo baxay xulashadii shirkada Trade Mark EA dhawaaan Hargeysa tartanka ugu qabatay shirkadahii soo xaraystay inay u tartamaan fulinta mashruucan,

Shirkadan CICO oo khabiir ku ah sidii ay u boobi lahayd dalalka Afrika khayraadkooda iyo dhaqaalaha lagu caawiyo maashriicda horumarineed ee loogu deeqaba ayaa haatan halis weyn ku ah mashruucan, taasi oo Xukuumada Somaliland iyo shacabkaba looga baahan yahay inay iska ku hayaan dhaqdhaqaaqeeda isla markaasina ka hawlgalaan sidii aanay shirkadi dalkeena u imanin isla markaasina ugu guulaysan fulinta mashruucan, maadama oo aynu sida kor ku xusan aynu arkayno dhibaatooyinka muga leh ee ay kasoo gaysatay dalka Afrika ee dawladaha waa-weyn leh

Axmed Naasir Cali

Saxafi Madaxbanaan

Hargeysa/Somaliland

 

 

COMMENTS
LINKS