Fadeexado Musuqmaasuq oo Kasoo Ifbaxay Wasaarada Caafimaadka Jsl iyo Talaabooyinka Ku Cusub Shaqada Qaranka, ee Ay Ku Talaabsadeen..W/Q:-Nouman M Muse | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadeexado Musuqmaasuq oo Kasoo Ifbaxay Wasaarada Caafimaadka Jsl iyo Talaabooyinka Ku Cusub Shaqada Qaranka, ee Ay Ku Talaabsadeen..W/Q:-Nouman M Muse
September 29, 2019 - Written by Editor:

Waasarada hormarinta caafimadka S.land way hadal deysey waxeegu waa Daahir yaashamis?
Imisa hablood oo Dirawala ah ayaa ku jira liiska hoose, Bal ila hubiya arimahan?
Halkan hoose waxa idiinka soo muuqda liiska masuuliyinta wasaarada hormarinta caafimaadka somaliland oo ay ugu horeeyaan masuuliyinta sida wasiirka & agaasimaha guud waxay Haayada WHO ka dalbanayaan in ay lacagta kharashka usoo dayso baaburtaana ka kireysato iyaga iyo xoogheyntooda si ay kormeer ugu soo sameeyaan talaal laga fulin doono bishan September gudaheega somaliland.

Liiska waxaa ku jira sida ay xaqiijiyeen qaar kamida shaqaalaha caafimaadka Ilaaliye (Watchman) istoodh haye & dhawr xooghayayasha masuuliyinta wasaarada ah.
Su aashu waxey tahey maa la wayey xirfadle caafimaadka Oo shaqaalaha ay kormeerayaan ku aqoondhaama waxna ku kordhiya?
Waa maya laakiin dad gaara oo la wato ayaa meel walba la gaysanayaa?

Todobada dumara ee halkan hoose ku qoran magacyadooda oo saddexan, waa todoba Dirawal waxey qaadayaan masuuliyinta wasaarada hormarinta caafimaadka somaliland oo safaro shaqo ugu kala bixi doona gobalada galbeedka & Barriga somaliland sida ku cad warqada lifaaqa xaga hoose, sida oo kale isla dumarkaas uun baa shaqada kormeerka qabanaya.
Nimco Mohamed Abdi
Koos mohamud Abdikarim
Nuwaal Yuusuf cige
Nimco Hussein Barre
Hamda Mohamud Jibril
CashaMohamed Hirsi
Jawaahir adam Farah
Tusaale ahaan Jawaahir adam farah waxey gaadhiga ka kaxaynaysaa Hargeysa waxayna masuuliyinta wasaarada u qaadeysaa laascanood, halka kuwa kale u ukala baxayaan sida warqada hoose ku cad iyagoo u kala bixi doona magaalooyinka Burco, Boorama & Hargeysa, arrintani waxay ceeb ku tahay umada reer somaliland, Taas oo ay usoo hooyeen wasarada hormarinta caafimadka somaliland.

Dhawr shaqaalaha caafimaadka muddo laba maalmooda ku jirey shaqadan kormeerna ku sameyeynayey inta shaqada laga joojey ayaa waxa loo sheegey iney laba maalmood shaqadu ku koobneyd, waxaana halkoodii lagu badeley watchmans & xooghaymaha masuuliyinta wasarada, Waxa ayaan daro ah shaqaalaha shaqada lahaa muddo laba maalmooda shaqeynayey shaqada laga joojiyey hadana lagu badeley wachmaans & xoogheyn masuuliyinta wasaarada? Sida ay warar nagu soo gaadhayaan #DrBashiir oo ah madaxa waaxda talaalka waa isku dhaceen agaasimaha guud ka dib marka uu qorshihiisii la badeley laguna watchman iyo xoogheynta, sida ay umuuqatana shaqada waa laga reebey oo liiska xaga hoose idiinka muuqda meelna kaga ma jiro.

Shaqsiga kormeerka ku sameynaya waxa looga baahan yahey inuu ka aqoon badan yahey shaqsiga wax talaalaya, si uu qaladaada shaqaalaha ku iman kara u saxo? Xirfadlaha caafimaadka iney xogheymaha masuuliyinta wasaarada hormarinta caafimaadka somaliland kor meeraan sharaf dhac iyo niyad jab ayey ku tahey waxeyna ku tuseysaa ineyna masuuliyinta wasaarada shaqada daacad ka aheyn. Laakin ay yihiin baris raadis

Waxa kale oo ceeb labaada masuuliyintan oo shaqada qaranka u haya inay Guno weydiistaan haayad, shaqaale hoosaadkiisa ku dhex qoran yahey, sida ku cad warqada xaga hoose ka muuqata ee lagu socodsiinayo WHO.

Geela duqdiisu durduriso aarankiiisa maxaad umaleyn? Masuuliyinta sida wasiirka caafimaadka, wasiir ku xigeenka & agaasimaha guud ayaa sidaas sameyey maxaad shaqaalaha kale umaleyn, iyada oo aan ogsoonahey misaaniyada Qaranka ugu jiraan mushaarkiisa, Gunadiisa & shidaalka agaasimaha Guud? Marka ay masuuliyinta wasaarada ugu sareeya warqadaha noocan u qorayaan haayadaha iyo deeqbixiyasha, maxay ka aaminayaan, ama sideey ula macaamilayaan dalka & dadka noocan ah.

Xirfadle caafimaadka waa buuxaa lamana waayin, dhibta waxa keeney masuuliyad daro ay la yimaadeen masuuliyinta wasaarada hormarinta caafimadka somaliland , ilmaha irbadaas wax lagu yeelo amaba xadi kabadan la siiyo talaalka ayaa ka masuula waxyeelada soo gadha? Agaasimaha guud wasarada hormarinta caafimaadka somaliland meesha waxa uu ka dhigtey pharmacigiisa dawada Qaaxada ku iibin jirey? Talaalka somaliland wax la isku heleyn karo maaha, Shacabweynaha reer soomaliland waaa iney ka taxadiraan

Umada reer somaliland waxay rabtaa cadaalad & shaqo hufan taasna waxaa usala aqoon tartan hufan leh lakin salka ku heyn qabiil, qaraabo, saxiibtinmo & Dano gaara, Waxa haboon shaqada in laqeexo marka la qeexo shaqada la qabanayo ayaa waxa la ogaan karaa dadka dadka ku haboon ee shaqada loo dirayo,

Sawirada halkan idiin ka muuqda waa watchman wasarada hormarinta caafimadka somaliland talaalka fulinaya. Warqada ay ku qoran yihiin watchman, Dumar dirawala, masuuliyinta wasaarada ugu sareeya iyo xoogheynta

Somali Activist

Nouman M Muse

COMMENTS
LINKS