“Wali Xisbiyahan Kulmiye Ah Ayaan Ahay Sharci Ahaan! Xoog-xoog Hadday Noqotose Kama Mid Ahi”Prof Cabdi Cali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wali Xisbiyahan Kulmiye Ah Ayaan Ahay Sharci Ahaan! Xoog-xoog Hadday Noqotose Kama Mid Ahi”Prof Cabdi Cali
September 29, 2019 - Written by Editor:

Maamulka xisbiga ayuun baanu is qabanay, walina gartayadii lama qaadin; sidaa darteed, wali waxan ahay Kulmiye sharci ahaan.!!!; xoog-xoogga anigu ma rumaysto; ninka rumaysta yeelkii; waxan rumaysanahay sharciga iyo wixii xaq ah; ha biqlayso!!

Dacwaddii aan ka gudbiyay Xisbiga Kulmiye, Guddiga Diiwaangalintu waxay qoraal u dirtay hoggaanka xisbiga, iyadoo ka dalbaysa in ay ka soo jawaabaan dacwadda laga soo gudbiyay. Halkii ay ka soo jawaabi lahaayeen ayay shirkii Golaha Dhexe ee Borama iska qabsadeen iyadoo dacwaddii furan tahay; la ye waanu ka saarnay rag aan ku jiro xubinamdii iyo Golahihi Dhexeba.

Sidee baa dacwaddii oo furan ay kaligood go’aan uga gaadhi karaan qofkii dacweeyey iyagoo marin habaabin ku samaynaya xubnihii Golaha; waa xaqiraad lagu sameeyey hay’adihii sharciga iyo sharciga laftiisa in loo soo jawaabi waayo!!! Dacwadda iyo shirka waxa horreysay dacwadda, haddii aad i fahantay. Haddii Golaha dhexe fadhiisan lahaa oo go’aamin lahaa dacwadda ka hor, hadal ba ma yimaadeen, erigu na sax buu noqon lahaa!!

Calaa kulli xaal, waxanu ku dhawaaqnay Garab Kulmiye ah, waxaana aanu sugaynaa in sharciga lagu soo noqdo iyo dimuqraadiyadda; waxa kale oo aanu nahay siyaasiyiin xisbiyahano ah oo haya hawl mucaarid ku ah maamulka xisbiga iyo xukuumadda afduubtay sharcigii xisbiga iyo kii dalkaba!!!

Siyaasiga xisbiyahanka ahi haddii aan si sharci ah oo xeerka waafqsan looga saarin xisbiga waa nin siyaasi ah oo sharci ahaan ka hadli kara xaaladda dalka!!!; markaa aniga iyo saaxiibaday lama mid nihin nin suuqa jooga oo aan hore ugu jirin siyaasadda oo intuu ka yara biyo diiday xukuumadda ku bilaabay dhaliil iyo canaan; markaa sidaa ha loo kala garto ammuuraha saaxiibayaal.

QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

COMMENTS
LINKS