Golaha Wakiilada JSL Oo 14 Jirsaday.!W/Q;Maxamed Gacayte. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiilada JSL Oo 14 Jirsaday.!W/Q;Maxamed Gacayte.
October 2, 2019 - Written by Editor:

Saddex caano maal ka hor oo ku taariikhaysan 29.09.2019; golaha wakiikada waxa u buuxsamay sanadkii 14aad. Mudadii sidada sharciga ah la doortay waxa laba jeer ka badan mudada korodhsiimaha ay ku fadhiyaan.

Doorashadii Golaha Wakiilada Somaliland ee dhacday 29 September 2005, waxa ku tartamayay 246 musharax oo ka kala socday 3 xisbi qaran ee kala ahaa Kulmiye, Udub iyo Ucid. 82 ka kursi ee Golaha Wakiilada waxa ku tartamayay Lixda Gobol ee Dalka.

1;G/Maroodi-jeex 60 musharax oo laga doonayay 20 xildhibaan,

2;G/Awdal 39 musharax oo laga doonayay 13 xildhibaan,

3;G/Saaxil 30 musharax oo laga rabay 10 xildhibaan,

4;G /Togdheer 45 musharax oo laga rabay 15 xildhibaan,

5;G/Sool 36 musharax oo laga rabay 12 xildhibaan,

6;G/Sanaag 36 musharax oo laga rabay 12 xildhibaan.

29kii September 2005 ,waxay ahayd maalin shacbiga Somaliland si weyn ufaraxsanaayeen una dareereen doorashada xubnaha golaha wakiilada somaliland. waxay ahayd maalin shacbiga somaliland u ahayd fursad ay kudoortaan cida ay u arkaan in ay ka talinayso aayaha mustaqbalkooda, sababtoo ah waa baarlamaankii u horeeyay ee shacabku soo doortaan si xor ah.

Doorashada Golaha Wakiilada JSL ayaa bar madow ku noqotay hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada ee Somaliland ka hanaqaaday.

La soco:- Q. 2aad, Caqabadii doorashada 2005 ee xaga saami qaybsiga iyo Go,aankii Madaxweyne Rayaale ee suurtagaliyay qabsoomida doorashada

W/Q: Maxamed Gacayte.

Gacayte09@gmail.com

Hargeisa/ Somaliland.

 

COMMENTS
LINKS