Faa’iido Noocee Ah Ayey Cunista Xanjadu U Leedahay Caafimaadka Ilkaha ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faa’iido Noocee Ah Ayey Cunista Xanjadu U Leedahay Caafimaadka Ilkaha ?
October 2, 2019 - Written by Editor:

Sida lagu baahiyay Russia Today oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa waxa lagu sheegay in khubaradaasi oo uu ka mid ahaa Dr Igor Bondarico oo barre ka ah jaamacada Caafimaadka ee Sechinov ee ku taalla DALKAASI Ruushka uu aad uga hadlay faa’iidooyinka Xanjadu u leedahay Ilkaha waxa aanu yidhi, “Waxa habboon in marka cunto la cuno kadib xanjada laga dambeysiiyo, faa’iidooyinka Caafimaad ayey leedahay haddii sida saxda ah loo isticmaalo”.

Dr Igor oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa kale oo uu yidhi, “Cunista Xanjadu waxa ay ka qayb qaadataa nadaafada Afka iyo cunaha, sababtuna waxa ay tahay in ay soo baxayaan dheecaano ‘Candhuuf’ aad u badan oo bannaanka u soo saaraysa hadhaaga cuntada ku hadha Afka”.

Waxa kale oo ay khubaradu ka digeen halista xanjada oo ka iman karta laba arrimood oo kala ah in uu qofku liqo iyo in uu maalintii oo dhan callaashado labadaasi arrimood ayaa waxa ka dhallan kara dhibaatooyin Caafimaad oo halis ah.

 

COMMENTS
LINKS