Togdheer Iyo Sanaag Waxay U Baahan Yihiin Daahir Rayaale Oo Kale!W/Q;Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Togdheer Iyo Sanaag Waxay U Baahan Yihiin Daahir Rayaale Oo Kale!W/Q;Barkhad-ladiif.
October 4, 2019 - Written by Editor:

Tan Iyo intii ka Dambaysay Doorashadii Madaxtooyadu waxay Dadku kala noqdeen Rufucyo, siyaasi waliba wuxuu meel ku xidhay xaafadiisii hoose,taas oo keentay in bulshaddo furfuranto, illaa hadana sidii xaaladu ahaato.

Bulshadda Awdal oo tafaafuruqu ku yaraa waxa saameeyey doorashaddii dhowayd, taas oo sidii beelaha kale noqotay sii aanay iyo rufuc rufuc, waxay madax dhaqameedkuna kala raaceen uun siyaasiyiintooda arrintan ku hogaaminaysa.

Doorashaddani waxay sababtay in xiitaa qoysas badan ku burburaan oo nin iyo naagtii kala raacaan musharaxiinta, ka dibna ay halkasi ku kala tagaan, waana doorashaddii ugu saamaynta xumayd ee qoysas kala dira.

Madaxweynihii hore Daahir Rayaalle waxa uu isku dayey inuu xal u helo tafaraaruqa siyaasadu sababta u tahay ee gobolka Awdal, waxaanu dhamaan isku keenay madax dhaqameedkii gobolka si bulshada loo mideeyo.

Maadaama oo Daahir Rayaale loo arko nin dhexdhexaad ah waxay keentay inay ayidaan arrinkiisii oo isku raacaan oo khilaafyadii beelaha la soo afjaro, waxaanay hortiisa kaga dhowaaqeen in sidii hore xaalka lagu celiyoo oo la iska wada saamaxo oo dhaqankii fiicnaa ee walaalaha lagu ahaa dib loogu noqdo, siyaasadduna aanay bulshadda gobolka kala qaybin.

Hadaba, mar hadii Rayaale u kacay Awdal, waxa loo baahan yahay in Togdheer iyo Sanaag ka soo dhex baxo shakhsi dhexdhexaad ah oo bulshada isku keenna oo xurguftii doorashaddu keentay dib u masaxa oo bulshada walaaleeya.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR,

COMMENTS
LINKS