“Haddii Dayaxa La Waayo Xiddigahaa Lagu Guuraa”!W/Q Mustafe Shiine. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Haddii Dayaxa La Waayo Xiddigahaa Lagu Guuraa”!W/Q Mustafe Shiine.
October 6, 2019 - Written by Editor:

Waa xaqiiq maanta waayeelkii u tegay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in ay ugu jeclaayeen waxa ay dhagahoogu maqlaan ” waan cafiyay Caare “, inuu madaxweynuhu yidhaahdo, haddiise uu ka eegay dhinaca sharciga iyo ka dhawrsashada faragelinta ciidmada oo ay dhito u tahay qaranimada Somaliland waxaa waajib noqotay in la aqbalo oo aan dalka loo horseedin khilaaf hor leh.

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si mugleh u aqbalay dalabkii waayeelkii u tegay intii ugu badnayd, waxase uu si asluubaysan oo aan go’aan ahayn ugu soo celiyay waxgaradka beesha u tagtay inay la eegaan sida lagu furdaamin karo arrinka Kornayl Caare, waxana taasi ka dhashay in raggii jifo ahaan ugu xigay ay warwareeg la’aan uga garaabaan dalabka madaxweynaha oo ay la qaataan in la qarameeyo dhalinyarada kale oo dhan tiro kasta oo ay yihiin, tan Caarane laga wada hawlgalo sidii lagu dhamaystiri lahaa.

Guud ahaan kulankii maanta oon waxba lagala gaban madaxweynaha waxa uu ku soo dhamaaday guul aanay cidi gaar u gaadhin ee ah in qaranku guuleystay, taasi oo dhamaystirkeedana laynaga wada rabo dhamaanteen.

Ma lihi cid walbaa way ku faraxsan tahay sida ay wax u dhamaadeen,laakiin waxa hore loo yidhi ” Nin faras xagiisa danbe ka degay wax kaloo u dhaama ayuu waayay ‘.

Qaranka in loo tudhaa oo kan sharciga loo dhiibay oo ku adkaadaa waa waxa loogu dhiibay kii la lahaana inuu u garaabaa hal xun maaha.

 

COMMENTS
LINKS