Siyaasiyiin & Waxgarad Dhambaal Tacsi Ah Udiray Qoyska Iyo Shacabka Uu ka Baxay Marxuum Cabdi Xariir Oo Maanta Ku Geeriyooday Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasiyiin & Waxgarad Dhambaal Tacsi Ah Udiray Qoyska Iyo Shacabka Uu ka Baxay Marxuum Cabdi Xariir Oo Maanta Ku Geeriyooday Hargaysa.
October 7, 2019 - Written by Editor:

Tacsi Tiiraanyo leh Oo ku Socoto Qoyska Ilma Cabdi Xariir cali-iid oo maanta Aabahood ku Geeriyooday Magaalada Hargyasa

INAA LILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN

Dhamaan Siyaasiyiintan, odoyaasha iyo dhalinyaradani waxay dhambaal tacsi ah udirayaa Shacabka somaliland iyo waxgaradka iyo wayeelka uu ka baxay MARXUUM CABDI XARIIR CALI-IID Oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Hargaysa maalinta bari ah lagu aasi doono xabaalaha Halayo ee Bariga Magaalada Hargaysa,  Saacadu Marka Ay Tahay 9;00subaxnimo Hadii Alle Ogolaado.

Waxaanu sigaara uga tacsiyadaynaynaa Ex wasiir Bashiir Cabdi Xariir oo uu Ahaa  Aabihii Marxuumku

Oday Marxuum Cabdi Xariir Cali Iid ayaa kamid ahaa odayaashii ka soo qayb qaatay dhismaha jamhuuriyada Somaliland iyo dib udhiskeediiba ahaa Oday Samo talis ah.

Siyaasi Axmed Cumar xaaji Cabdilaahi (Xamarje)

Siyaasi Cismaan kalash

Amb Maxamed Warsame

Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale

Sheekhul Axmar Rashiid Jamaac Dhari

Cabdifataax Cali Cabdilaahi

Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays)

Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre

Yuusuf Jaamac Xirsi

Waxay shacabka Somaliland iyo qoyska uu ka baxay marxuumku ilaahay uga baryaynaa samir imaan marxuumkana ilaahay su,aasha qabriga ha ufududeeyo Aamin Aaamin

 

 

 

COMMENTS
LINKS