Go’Aan Adayga Madaxwaynaha Iyo Garawshiiyaha Odayaasha Dhaqanka Ee Beel Waynta Gar-xajis! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Go’Aan Adayga Madaxwaynaha Iyo Garawshiiyaha Odayaasha Dhaqanka Ee Beel Waynta Gar-xajis!
October 8, 2019 - Written by Editor:

(Marka Aynu Eegno Dadka Maanta Jooga Laba qaybood baynu Nahayoo Inta Xumina waa Isku wada Qolo Waxii is leh wax Hagaajiyana Waa isku qolo) , Sul Maxamed Xirsi Qani.

(Aniga oo wax wal oo nabad lagu helayo diyaar u ah oo Ogol wax wal oo nabad lagu helayo Aniga oo idinkala mid ah , hadana marna qof baan ahay oo hebelow  adigu waxaa adigaa ka masuul ah ee qabo ah , waxna waa lagula leeyahay oo adigu  maqaadan kartid , hawsha inta aan anigu xilka aan hayo ee madaxweynuhu awoodeeda leeyahay waan fulinayaa” )  Madaxwayne Biixi

kulan taariikhi ah oo la isku gar naqsaday oo aan waxba la iskula hadhin , si muuqata iyo si sarbeebaysanba ayaa xarunta madaxtooyada somaliland ku dhex maray odayada dhaqanka ee beelwaynta garxajis sheekh isaxaaq oo ah mid ka mid ah beelaha ugu waaweyn qaranka jamhuuriyada somaliland .

Kulankaasi waxa uu daaranaa nabadayn iyo in jabhada kornayl caare in si wanaagsan oo nabdoon lagu soo afjaro taasi oo u muhiim ah guud ahaan qaranka jamhuuriyada somaliland ,  ayaa waxa ay iila muuqataa in uu is faham iyo guul ku soo dhamaaday .

Madaxwayne Biixi oo aan anigu shaqsiyan ku dhaliilo isku wadida dadka in uu ku liito , ayaa hadana marka aan xaga qaranimada iyo shuruucda marka aan ka eegay aan u garaabay go,aanka uu ka qaatay arinka kornayl caare si la mid ah sida odayada dhaqanka , haldoorka iyo waxgaradka beelwaynta garxajis ugu qanceen in qaranimada iyo danteeda wax walba laga horeysiiyo .

Waxa marag ma doon ah in xanaf kasta iyo dhibaato kasta oo dhacda mar uun uu iman doono xalkeedu oo laga heshiin doono , waxa aynu kala leenahay iyo waxa la isku hayo  waxa ka weyn waxa aynu wada leenahay iyo dadku waxa uu isku yahay oo ah mid aan dhamaanayn ilaa inta aynu noolahay .

Xukuumada madaxwayne biixi dalka iyadaa u dawlad ah mucaarid iyo muxaafid ba ,  waxa aad moodaa in ay hawleheega gudo iyo dibadba ka gaabisay isla markaana ay la ficil tamayso qaybo ka mid ah bulshada ay xukuumada u tahay , taasi oo foolxumo iyo fadhiidnimo ku noqonaysa oo ay ceebteeda iyo xumaanteeda aanay cidi la wadaagayn .

Odayada dhaqanka iyo haldoorka kale ee beesha garxajis ee arinkaa galay waxa ay hayeen shaqadii dawlada oo ay iyagu isku xilqaameen waana milgo iyo sharaf , inkasta oo ay ka sii wanaagsanaan lahayd in ay caare iyo jabhadiisa in ay ku qanciyaan in ay shuruud la :aan isku soo dhiibaan maadaama oo ay dan qaran u kaceen , hadana waxa ay qabteen hawl muhiim ah oo taaiikhdu xusi doonto .

Waxa aan aragti ahaan kala mid ahay arimaha masiiriga iyo danta qaranka  in aan la siyaasadayn la reerayn madaxweynaha iyo odayadaa dhaqanka ee beesha garxajis sidaa ay iskula qaateen in nabadgalyo iyo wanaag lagu dhameeyo waxkasta oo ay nabadu qaadanaysana ama ku baxayana la yeeelo ,  waana sida danta umadu ku jirto.

Madaxweynaha somaliland mudane muuse biixi cabdi waxa looga fadhiyaa talo , odaynimo , hogaamin , isku wadka dadka , isku haynta dlaka iyo siyaasad umada rajo u abuurta oo da,yarta dalka mustaqbal wanaagsan u horseeda taasi oo ku imanaysa in garashada dadka la xoreeyo oo wax badan oo ragaad inaga dhigay aynu hore uga talaabsano.

Madaxweynaha waxa looga fadhiyaa in aragtida wanaagsan iyo qudbadihiisa wanaagsani ficil wanaagsani raaco oo ay dadku dareemaan is badel ,  dhalinyarada iyo haweenkana uu xukuumadiisa ka siiyo fursado iyo boosas ka badan kuwa ay maanta haystaan si halkan hore looga dhaqaaqo oo aynu aduunyada u hiigsano .

Waxa kale oo aanu madaxwynaha iyo xisbigiisa kulmiye ka rabnaa in uu noo cadeeyo mawqifkiisa ku aadan in somaliland laga furo ururo siyaasadeed sida ay shuruucda dalku sheegayso ,  taasi oo fursad u ah muwaadiniinta aan ku qanacsanayn sadexda xisbi qaran ee hada jira iyo cidii kale ee uu ku jiro han siyaasadeed ee rabta hogaaminta qarnka .

Aragtidayda

QALINKII;Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS