Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo Sheegay In Uu Natiijo La,Aan Kusoo Dhamaaday Kulan Ay Wada Yeesheen Madaxwaynaha Puntland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo Sheegay In Uu Natiijo La,Aan Kusoo Dhamaaday Kulan Ay Wada Yeesheen Madaxwaynaha Puntland!
October 9, 2019 - Written by Editor:

BOOSAASO (W,N)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay waxa ka soo baxay wadahadal magaalada Boosaaso ay kula yeesheen isaga iyo wafdi heer Wasiirro ahaa oo ka socday Dowladda Federaalka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in socdaalkoodu uu salka ku hayay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka Dowladda dhexe ee Federaalka iyo Puntland, isaga oo si gaar ah ugu mahad celiyay marka hore madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre oo sida uu Wada hadal ku loo dhameyn lahaa khilaafka kala dhaxeeya Puntland ku dadaalaya.

‘’Intii aan ku sugneyn Boosaaso waxaan kulamo la qadannay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiinta maamulkiisa, runtii aad bey noo soo dhaweeyeen, weyna naga aqbaleen fariintii aynu sidey ee aheyd in la dhameeyo khilaafka, intii aan wada hadalada ku jirnay waxaa sheekada soo gashay arinta Jubbaland iyo doorashadii ka dhacday, runtii aad beynu ugu kala duwannaanay arinkaa, oo aan annagu ka aaminsannahay mowqifka ay xukuumaddu ka qaadatay oo aad ogtihiin’’ ayuu yidhi Wasiir Cawad.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka reer Puntland intaba aysan ku faraxsanneyn khilaafka jira oo ay u arkaan sida uu hadalka u dhigay mid u dhac mar walba keenaya.

Warar kale ee soo baxaya puthland  ayaa sheegaya in wafdi uu horkacayo madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland maalinta berri ah ku sii jeedaan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland, iyaga doonaya in ay halkaa uga qeybgalaan munaasabada caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS