Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xafiiska Ku Qaabiley Masuuliyiinta Ugu Saraysa Hay’adda Save the Children. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xafiiska Ku Qaabiley Masuuliyiinta Ugu Saraysa Hay’adda Save the Children.
October 10, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Madaxda ugu saraysa Hay’adda Save the Children, waxaana ay Madaxweyne ku xigeenka uga warbixiyeen hanaanka ay dalka uga shaqeeyaan, kana jawaabaan hadba xaalada timaada sida duufaantii sagar oo kale.

Sidoo kalena waxay xuseen inay muddo badan ka hawl gelayeen Somaliland, xafiiska hay’adda Save the Children-na dalka laga furay sannadkii 1951-kii, haddana ay mashaariic kala duwan ka waddan gobolada Somaliland.

Waxaana hogaaminayey masuuliyiinta Hay’adda Save the Children Mr. Johanne Schmidt-Nielsen oo ah maamulaha guud hay’adda iyo u qaabilsanaha Waddamada Africa ee saxaraha ka hooseeya Mr. Jakob Eilsoe Mikkelson, Merete Gotsaed, oo ah agaasimaha Save the Children.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu masuuliyiinta Hay’adda Save the Children uga mahad celiyey qaabka wanaagsan ee ay dalka uga hawl galaan iyo xildhiidhka ay la leeyihiin Dawladda Somaliland, waxaana sharaxaad ka siiyey qaabka ay Dawladda Somaliland ula shaqaynayso hay’addaha Caalamiga ah islamarkaana ay soo dhaweynayaan mashaariicaha kala duwan ee dhanka horumarka ah ee ay waddaan.

Sidoo kalena masuuliyiinta Hay’adda Save the Children waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan islamarkaana xoojin doonaan wada shaqaynta iyo xidhiidhka wanaagsan ee ay la leeyihiin Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, siina wadi doonaan mashaariicda ay dalka ka waddaan.

 

COMMENTS
LINKS