Madaxweynaha Somaliland oo Jabuuti Kaga Qayb-galay Aaska Marxuum Sacad Cumar Geelle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland oo Jabuuti Kaga Qayb-galay Aaska Marxuum Sacad Cumar Geelle
October 10, 2019 - Written by Editor:

Djibouti (WJN) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta safar ku tagay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Masuuliyiin ka mid ah Xukuumaddiisa ayaa Magaalada Jabuuti kaga qayb-galaya Aaska Maareeyihii Dekedaha Jabuuti Sacad Cumar Geelle oo dhawaan ku Geeriyooday Dalka Faransiiska.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu Gelinka dambe ee Maanta dib ugu soo laabto Magaalada Hargeysa.

COMMENTS
LINKS