Maxkamada Sare Somaliland Oo Soosaartay Amar Lagu Burrinayo Go’aan Shaqada Lagaga Joojiyay Saddex Qareen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Sare Somaliland Oo Soosaartay Amar Lagu Burrinayo Go’aan Shaqada Lagaga Joojiyay Saddex Qareen.
October 10, 2019 - Written by Editor:

Hargeisa(W.N):-Xubno Kamida Gudida Garsoorka Maxkamada Sare ee Somaliland oo Ugu Horeeyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare jsl Mudane Aadan Xaaji cali Ayaa soosaaray Burrinta qoraal lagu Burrinayo Amarkii maxkamada Rafcaanka Gobolka Maroodijeex ay Hore shaqada ugaga joojisay Xubno kamida ururka Qareenada Somaliland.

Go’aankan Lagu Burinayo Amarkaasi ay maxkamada Rafcaanku shaqada kagaga Joojisay xubnahan Qareenada ah Ayaa ka Danbeeyey kadib markii is afgarad lagu Dhameeyey khilaaf dhinaca shaqada ah oo u dhexeeyey bahda garooska iyo Qareenada somaliland.

Halkan Ka Akhriso Nuxurka Qoraalkan kasoo Baxay Maxkamada Sare Jsl.

 

Hargeisa Somaliland

 

 

COMMENTS
LINKS