Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Somaliland oo Gaadhi Kala Wareegay Hay’adda UNHCR. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Somaliland oo Gaadhi Kala Wareegay Hay’adda UNHCR.
October 10, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka  Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa maanta gaadhi kala wareegay Hay’adda UNHCR.

Gaadhigan oo uu noociisu yahay (hard-top) waxa loogu talo galay in lagaga faa’idaysto adeegyada ay bixiso Hay’adda Qaxoontigu kaas oo lagaga shaqayn doono hawlaha kala duwan ee ay hay’adu ka qabato gobolka saaxil.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay gudoomiye Xinif waxanu u mahad celiyey Hay’adda UNHCR oo iyadu si toosa ula shaqaysa Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, isaga oo tilmaamay in uu  gaadhigani wax wayn ka tari doono adeegyada ay Hay’addu u qabato Barakacayaasha dalka gaar ahaan gobolka Saaxil.

Madaxa Hay’ada UNHCR ee Somaliland Saara khan ayaa iyaduna sheegtay inay maanta ku wareejiyeen hal gaadhi Hay’ada Qaxoontiga kaasi oo hordhac u ah gaadiid kale oo ay ugu talo galeen Hay’addu inay siiyaan sanadaha soo socda, waxanay gudoomiye Xinif ku ammaantay sida uu u daryeelo gaadiidka kala duwan ee ka shaqeeya Hay’adda  uu maamulo.

Gabagabadiina gudoomiyaha Hay’ada Qaxoontiga iyo Barakacayaasha ayaa kala wareegay Dhukmantigii iyo furihii Baabuurka.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS