Hogaamiyayaasha Wadamada Geeska Africa Oo Gaadhay Magaalada Adis Ababa Iyo Ujeedada Socdaalkooda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaamiyayaasha Wadamada Geeska Africa Oo Gaadhay Magaalada Adis Ababa Iyo Ujeedada Socdaalkooda!
October 10, 2019 - Written by Editor:

Addis Ababa, (W,N) – Qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Wadamada Geeska Africa ayaa u socdaalay dalka Ethiopia Maanta si ay uga qaybgalaan munaasibado ka dhici doona Magaalo Madaxda dalka Ethiopia Ee Adis Ababa.

Hogaamiyeyaashan gobolka ee u socdaalay dalka Ethiopia ayaa waxa ka mid ah Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Ugandan Yoweri Museveni, Madaxweynaha Koonfurta Sudan President Salva Kiir iyo Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo, halka dalka Djibouti uu ku matalayo wefti uu hogaaminayo Nabil Mohamed Ahmed.

Madaxweynaha Somalia oo isagu maanta gaadhay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa soo dhaweyn diiran kala kulmay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia oo martiqaad u fidiyey, waxaana kulan ay wadayeesheen Raysal Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Somalia ay kaga wadahadleen kor u qaadista xidhiidhka labada dal ee ka wadashaqaynta amaanka gobolka iyo xoojinta dhaqaalaha.

Sidoo kale madaxwaynayaasha ka kala socda qaarkamida wadamada geeska Africa ayaa lagaga hadli doonaa khilaafka dhinaca badda ee u dhexeeyay Somaliya iyo Kenya kaasi oo dacwadiisu gaadhay qaramada midoobay.

Arinta ugu xiisaha badan ee hortaala wufuudan ka kala socda wadamada ay kor kusoo xusnay ayaa ah ta udhaxaysa Kenya iyo somaliya oo madaxdoodu ku wada sugan yihiin magaalada Adis ababa,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS