Shil Gaadhi Naxdinle Oo Ka Dhacay Duleedka Magaaladda Berbera, Sobobayna Dhimashada 10 Qof Iyo Dhaawac 14Ruux + Hal Ay Kasoo Jeedaan Dadka Shilka Ku Geeriyooday! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shil Gaadhi Naxdinle Oo Ka Dhacay Duleedka Magaaladda Berbera, Sobobayna Dhimashada 10 Qof Iyo Dhaawac 14Ruux + Hal Ay Kasoo Jeedaan Dadka Shilka Ku Geeriyooday!
October 11, 2019 - Written by Editor:

BERBERA(W,N)- Shil  Naxdin oo oo galabta ka dhacay  Duleedka Kaantaroolka Bari Ee Berbera Ayaa Waxa Ku Dhintay 10 Ruux 14 Kalena Waxa Kasoo Gaadhay Dhaawacyo Kala duwan Oo ay  Kuwo xaaladoodu Culus ku jiraan  sida Ay Noo Xaqiijiyeen Hawl wadaeenada Caafimaadka Cisbataalka Guud ee Berbera.

Shilka ayaa dhacay Abaara shantii galabnimo Kdib markii ay isku dhaceen labada gaadhi

Shilka Ayaa Ka Dhashay Laba Baabuur Oo iskudhacay oo Midi yahay kuwa Jaadka Qaada loo yaqaan IZUZU Oo Madhan Kana Yimi Dhinaca Burco Iyo Baabur Nooha Ah Oo Kayimi Dhinaca Wajaale oo siday haween iyo rag Oromo ah.

Hawl wadeenada Cisbataalka Guud ee Berbera ayaa ku Hawlan Daaweynta Dhawacyada Halka Maydadka Kuwii Geeriyoodayna Talaagada Maydka Lagu Keydiyo ee Cisbataalka Berbera La Dhigay.

 Dadka Dhintay Iyo Kuwa Dhaawacmay oo isku noqonaya 19 Ruux Marka Laga Reebo Wadaha Gaadhiga Noohada ah iyo kuwa gaadhiga Jaadka Saarnaa dhamaantood Inta kale Waxay Ahaayeen Dad Kasoo Jeeda qoomniyada Oromada Oo Loo malaynayo Inay Ahaayeen Kuwa Tahriiba Oo Kusiijeeday magaalada Bosaso ee Putland Halkaas Oo ay Inta Badan Doonta Ka Raacaan Dhinaca Yemen utalaabisa Iyaga Oo Dalka sucuudigaUsii Gudba halkaas oo ay shaqooyin ka raadsadaan.

Masuuliyiinta gobolka saaxil ayaan wali ka hadlin shilkan iyo waxa sobobay toona

Wixii faah faahin kala soco warkeena Danbe

Wajaalenews Desk

Hargaysa Office

 

COMMENTS
LINKS