Madaxwayne Biixi Oo Dib Usoo Celiyay Xubintii Xisbiga Kulmiye Hore Ugu Matalaysay Komishanka Doorashooyinka Iyo Dareenada Ku Xeeraan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Dib Usoo Celiyay Xubintii Xisbiga Kulmiye Hore Ugu Matalaysay Komishanka Doorashooyinka Iyo Dareenada Ku Xeeraan!
October 11, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabi Ayaa La Sheegay In Uu dib usoo Celiyay Xubin kamid ah Komishankii hore Ee  Murankoodu Sobobay In Doorashada Golaha wakiilada iyo deeganka dib udhacaan Kadib markii ay Qaadaceen,Kalsoonida kala noqdeen xisbiga mucaaridka ah ee Wadani.

Xubinta Madaxwaynaha Somaliland dib ugu soo celiyay in kamid noqoto Komishanka doorashooyinka Ee cusub ah ayaa Haweenayda Kaliya Ee kamid ahayd Gudidii Doorashooyinka Ee hore Kana Soo jeeday Xisbi Xaakimka kulmiye Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi Madar.

Majirto war rasmi ah oo kasoo baxay Dhinaca Xisbiga Kulmiye  Balse wararka laga helayo ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxwaynaha somaliland ayaa xaqiijiyay in dib loo soo cleiyay Xubinta Hore Ugu jirtay komishanka doorashooyinka.

Dib usoo celinta xubin katirsan gudidii hore ee doorashooyinka ayaa laga cabsi qabaa in ay abuurto muran markale caqabad ku noqda komishanka doorashooyinka Taasi la filayo in ay Si Adag uga soo horjeestaa xisbiyada mucaaridka ah gaar ahaan xisbiga Wadani oo gudidii hore ee doorashooyinka ku eedeeyay in ay wakhtigii doorashada madaxtooyada ee lagu doortay madaxwayne biixi Ku kaceen musuq maasuq, wallow gudoomiyaha xisbiga ucidba la sheegay in uu isna soo celiyay xubintii hore ee xisbigiisa ku matalaysay  gudida Doorashooyinka Qaranka!

Dhanka kale Arintan ayaa iyana noqonaysa in sedexda gudoomiyeyayaasha sedexda xisbi ay iskaga mid noqdaan xubnaha ay usoo xuleen komishanka doorashooyinka oo midwalba uu soo magacaabay xubin ay isku beel yihiin taasi oo ka dhigan in xubinta gudoomiyayaasha xisbiyada ku matalaysa gudida doorashooyinka ay ku aamini kari waayeen shacabka kale ee reer somaliland balse ay ku kalsoon yihiin uun qof ay isku jufo hoose yihiin, taasi oo iyana Noqonaysa   mid dhaawac ku ah wax wada lahaanshaha umadda reer somaliland iyo hanaanka Geedi Socodka Dimuqraadiyada Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS