Magacyada Labada Xubnood Ee Madaxwayne Biixi Usoo Magacaabay Komishanka Doorashooyinka Oo Mid Kamid Ahi Xil Kasoo Qabtay Xukuumadii Axmed Siilaanyo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magacyada Labada Xubnood Ee Madaxwayne Biixi Usoo Magacaabay Komishanka Doorashooyinka Oo Mid Kamid Ahi Xil Kasoo Qabtay Xukuumadii Axmed Siilaanyo!
October 11, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xulida  xubnaha komishanka cusub ee Doorashooyinka somaliland ayaa maalmihii udanbeeyay waxay bulshada reer somaliland si wayn ula socdeen ogaanshana iyo sida ay usoo kala xulaan cida ay khusayso gudida doorashooyinka ee cusubi Kuwaasi oo ay hore usoo gudbiyeen Golaha guurtida labadoodii xubnood iyo xisbiyada mucaaridka oo xubin xubin soo magacaaba!

Madaxwaynaha Somalilad oo isagu leh magacaabista laba xubnood oo madaxwayne ahaan ugaara iyo xubinta xisbigiisa Umatalaysa komishanka oo wahtigan xulashadoodu ku dhow dahay gabo gabo iyadoo la filayo in maalmaha soo socda la horkeeno golaha wakiilada somalland si ay u ansixiyaan, 7xubnood ee komishanka doorashooyinka qaranka,

Madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayaa wararka laga helayaa tibaaxeen in uu labada xubnood ee uu soo magacaabayo uu soo gudbiyay isagoo midkamid xubnaha uu soo xulay uu yahay masuul xilka wasiirul dawle kasoo noqday xukuumadii Axmed Siilaanyo xubintan oo ah wasiirul dawlihii hore ee wasaarada xanaanada xoolaha Cabdirashiid Riyo Raac  oo ah siyaasi ka tirsan xisbi xaakimka kulmiye,Kana Soo jeeda beesha bariga burco,

Soo xulida madaxwayne biixi ee siyaasi Cabdirashiid riyo raac ayaa noqonaysa mid ka hor imanaysa shuruudaha lagu soo xulo  xubnaha kamid noqonaya komishanka doorashooyinka Waxaana laga war sugu doonaa talaabada ay ka qaadaan golaha wakiiladu oo iyagu leh awooda diidmada iyo ansixinta ee ugu danbaysa xubinta kamid noqonaysa komishanka doorashooyinka!

Dhanka kale Madaxwayne biixi Ayaa xubinta labaad ee kamid noqonaysa gudida doorashooyinka usoo Magacaabay  Mustafe Maxamed Daahir oo kamid ah Aqoonyahan reer somaliland Ee Dhalinyarada ah kana Soo Jeeda deegaan ahaan  Gobolka Awdal,

Mustafe Maxamed Daahir ayaa isagu mid ahaa ururka Dhalinyarada Ee Sonyo oo uu kasoo noqday gudoomiye kuxigeen Daladda Sonyo wakhtigii uu gudoomiyaha dalada Sonyo Ahaa Xoghayaha Gaarka Ee Madaxwayne Muuse Biixi Mubaarik Ismaaciil Taani,

Majiro war si rasmi loogu shaaciyay  xubnahan kana soo baxay Qasriga madaxtooyada balse wararka ay Heshay shabakada Wajaalenews,net ayaa xaqiijiyay in madaxwayne biixi Soo xulay xubnahan Aan kor kusoo xusnay Magacyadooda halka xubinta sedexaad ee xisbiga kulmiye matalaysan uu dib usoo celiyay kaltuun Sheekh Xasan Cabdi Madar oo kamid ahayd koomishankii Hore Ee doorashooyinka.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS