Dhacdo Naxdinle;-Haweenay Ninkeedii Ku Dishay Magaalada Tog Wajaale! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhacdo Naxdinle;-Haweenay Ninkeedii Ku Dishay Magaalada Tog Wajaale!
October 11, 2019 - Written by Editor:

Wiil Dhalinyaro Ah Oo Galabta Lagu Dilay Magaalada Wajaale Iyo Xaaskiisii Oo Sobob U Noqotay Geeridiisa!

TOG WAJAALE (W,N)-Dhaco Naxdinle Ayaa  galabta ka dhacday Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale Ee gobolka gabiley  kadib markii haweenay ay ninkeedu ku dhufatay tooray taasi oo sobobtay  In uu u Geeriyoodo!

Alle Ha Unaxariistee Marxuumka geeriyooday oo Ahaa Wiil Dhalinyaro Ku Ganacsada gudaha magaalada wajaale  ayaa lagu magacaabaa Marxuum Maxamuud Jaamac.

Qaarkamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Tog Wajaale Oo Dhacdadan goob ka ahaa ayaa  shabakada wararka ee wajaalenews.net uga waramay dhacdadan iyaga oo  sheegay in Ay haweenayday dishay ninkeedu ay kusoo weerartay marxuumka badhmaha magaalada wajaale gaar ahaan Huteelka central hortiisa ay gabadhan uu qabay kusoo weerartay halkaasi oo ay tooray kaga dhufay dhuunta islamarkiibana uu ku dhacay goobtii,

Sidoo kale Waxaa Marxuumka wakhtigan la socotay gabadh Kale Oo Iyana Ahayd Xaaskii labaad taasi oo iyaga ay gabadha wax dishay soo gaadhsiisay dhaawac inkasta oo aan la ogayn inta uu leeg yahay dhaawaceedu!

Dhacdadan galaafatay marxuumka ayaa salka ku haysay khilaaf dhinaca qoyskiisa ah.

Gabadhan Dishay Ninkeeda ayaa marxuumka u lahayd Lix Caruur Ah,

Majiro War faah faahsan Oo Kasoo Baxay Laamaha Amaanka Oo ku saabsan dhacdadan naxdinta leh

Sidoo kale wararka ayaa sheegay inay gabadhii wax dishay gacanta kusoo dhigeen ciidamada boolisku!

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS