Ururka Qareenada Jsl Oo Wasaarada Waxbarashada Ugu Baaqay In Aanay Ka Bixin Xaydaabka Sharci Ee Dalka, Taageerayna Go,Aankii G, Guurtida! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Qareenada Jsl Oo Wasaarada Waxbarashada Ugu Baaqay In Aanay Ka Bixin Xaydaabka Sharci Ee Dalka, Taageerayna Go,Aankii G, Guurtida!
October 12, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ururka qareenada Somaliland ee solna oo maanta shir ja,raa,id ku qabtay magaalada hargaysa ayaa faah faahin iyo lafo gur sharci ku sameeyay halka uu salka ku hayo khilaafka udhexeeya wasaarada waxbarshada iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay,

Gudoomiye kuxigeenka Ururka qarenada Garyaqaan Cabdinaasir Xasan iyo xubno kamid ah ururka ayaa dhanka kale soo bandhigay qodobada ku jira xeernidaamiyaha ee ka hor imanaya siyaasada guud ee waxbarashada Somaliland.

Ururka qareenada ayaa wasiirka wasaarada waxbarashada ugu baaqay in uu saxo khalaadaad ku jira xeernidaamiya kaasi oo ay hore usoo bandhigeen golaha guurtidu

Dhanka kale ururka qareenada aya shaaciyay hadii wasaarada waxbarshada iyo haayadaha dawladu ay ilaalin waayaan shuruucda dalka iyo xuquuqda siman ee ay leeyihiin muwaadiniintu ay dacwad la xidhiidha arintan ka furan doonaan maxkamada dastuuriga.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS