“Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna”W/Q; A, Kaahin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna”W/Q; A, Kaahin.
October 13, 2019 - Written by Editor:

Dhawr Cisho ka Hor Ayey Aheyd Markii Shilka foosha Xun ee 11 Qof ku dhimatey uu ka dhacay meel wax yar ujirta halka uu Shaleyto Buskani ku dhacay oo magaalada berbera wax yar u jirta ,laba wiil ka hor ayaa iyana dhalinyaro ku leedatey isla Wadadan .

Waxaa soo badanaaya shilka ka dhacaaya waddada berbera iyo Caasimada u dhaxaysa oo waligeedba aheyd wado shilkeedu badan yahey hadaba su,aasha isweydiinta lihi waxaa weeye waddadan dadkii dhameysey waxa hoos loogu eegi waayey sababta ta Alle ka sakow keeneysa in baabuurtu ku dhacaan waayo waxaa baabuurta ridaaya ama ay isugu dhacayaan in daraasad lagu sameeyo o hoos loo eego weeye waana aafo in qaranku kawada hawlgalo ubaahan wasaarada wadooyinka oo wali kahadleysa wadooyinka iyo shilalka kadhaca eedadka badani ku dhintaa oo wali kahadleysa ama qorshe ay ku yareyneyso dhacdooyinkan foosha xun ee aafada inagu noqdey wali lama hayo

Waxay ila tahey waxaa lagaadhey waqtigii shacabku arinkan ka hawlgelilahaayeen alle haw naxariisto dhamaa wixii ku geeriyoodey Shilalkaa fooshaxun ee umadii dhameeyey .

QALINKII; AXMED CALI KAAHIN.

 

COMMENTS
LINKS