Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Oo Soo Saaray Warsaxafadeed Iyo Nuxurka Uu Xanbaarsan Yahay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Oo Soo Saaray Warsaxafadeed Iyo Nuxurka Uu Xanbaarsan Yahay!
October 14, 2019 - Written by Editor:

REf: UQS/QCQ/130/2019.                                                                                                            

Tr: 14/10/2019

KU: Dhamaan Warbaahinta   Madaxa  banaan                                                   Hargeisa

OG: Dhamaan qarenada SOLLA

OG: Guddomiyaha Guddida ruqsad bixinta iyo anshax-marinta qarenada SOLLA

Ujeedo. War saxafadeed Ururka SOLLA

Ururka qareenada Somaliland e SOLLA markuu arkay qabashada war saxafadeed ay qabteen qareeno ka mid ah ururka qareenada Somaliland warsaxafadeedkasi oo ay warbaahinta ka difaacayen iskuukada gaarka loo leeyahay iyaga oo ku hadlaya magac ururka qareenada SOLLA warkaasi oo warbaahinta ka baxay maalintii ay taarikhdu ahayd 12/10/2019 war saxaafadeedkaasi oo ay warbaahintu ciwaano kala duduwan u samaysay ciwaanadaasi oo dhamaantood taabanayey magaca ururka qarenada Somaliland e SOLLA oo dhaliilay xeer-nidaamiyaha wasaarada wax barashada

Markaanu urur ahaan daawanay dhagaysanay akhrinay war saxafadeedkaas oo war baahinta ka baxay 12/10/2019 kuna baxay magaca ururka qarenada Somaliland oo war baahinta qaarkood Cinwaan uga dhigen Ururka qareenada Somaliland e SOLLA oo Maxkamada la tiigsanaya wasarada wax barashada , arintaasi oo ah arin aanay waxba aanay ka jirin ururka qarenada Somaliland waa urur ay ku bahooben dhamaan garyaqanada Somaliland manaha in magaciisa cid gaar ah loo adeegsado qarenada hadlayna kumay hadal kumana hadli karan magaca ururka qarenada Somaliland e SOLLA

Markanu ogaanay       danaha iyo ujeedada war saxafadeedka xubnaha qarenada e sare ku xusani inay ku salaysantahay difaacida iskuulada gaarka loo leeyahay oo ay qareeno u yihiin magacooda oo kaliyana ku difaaci karaan balse aanay u adeegsan karin magaca ururka!

Markanu aragnay ,    hadafka iyo ujeedooyinka ururka qarenada Somaliland e SOLLA u aas-aasanyahay

Inaanay ahayn difaacida ama u doodida cid gaar ah balse uu ururka matali karo oo  –                                        kaliya danta caamka ah oo kaliya ah

Markanu aragnay         xeer-hoosadka ururka qarenada Somaliland e SOLLA lagu aas-aasay

e xerNO.2/6/2016 qododiisa 9 aad ,18 aad,20 aad,23 aad ,24 aad oo -dhamantood ka hadlaya waajibad xubnaha ururka iyo cida ku hadli karta magaca ururka qarenada SOLLA 

waxaa uu ururka qarenada Somaliland e SOLLA halkan ku caddaynaya kuna beeninayaa in xubnaha qarenada ee war saxafadeed war baahinta kaga hadlay iyaga oo isticmaalaya magac ururka qarenada somalilad e SOLLA aanay matalin ururka qarenada war saxafadeedkooduna uu kaliya ku salaysanyahay kuna koobanyahay aragtidooda oo aanay ahayn aragti sharci oo ka soo baxday ururka qarenada Somaliland e SOLLA waana mid ku kooban aragtida 4 qareen e war baahinta ka hadlay oo kaliya.

Waxaanan war baahinta Madaxa banaan iyo ummada reer Somaliland iyo dhinacyada muranku ka dhexeeyaba ogaysiinaynaa inaanay qarenadaasi matalin kuna hadli karin magaca ururka qarenada Somaliland oo uu war saxafadeedkoodu ku koobanyahay aragtidooda sharci afkii ururkana aanay ku hadli karin , sidoo kale waxanu uga digaynaa xubnaha qarenada inaanay magaca ururka u adeegsan karin  war saxafadeedyada ay ku difaacayan dadka ama hayadaha ay qarenada u yihiin, waxana ogaysiiskan ka dib laga qaadi doona cidkasta oo isticmaasha magaca ururka talaabo anshax-marineed oo xeerkan waafaqsan

ALLah   Mahad   leh

Mohamed Mohamoud  Hashi————

Guddomiyaha Ururka qarenada Somaliland e SOLLA

COMMENTS
LINKS