Waxka Ogow; Taariikhda Mustafe Axmed Daahir Oo Kamida Xubnaha Madaxwayne Biixi Usoo Xulay Komishanka Doorashooyinka Iyo Shuruudaha Horyaala? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxka Ogow; Taariikhda Mustafe Axmed Daahir Oo Kamida Xubnaha Madaxwayne Biixi Usoo Xulay Komishanka Doorashooyinka Iyo Shuruudaha Horyaala?
October 16, 2019 - Written by Editor:

Maxaad Kala Socotaa Xoghayaha Golaha Wasiirada Ee Madaxwayne Biixi U Xushay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Mustafe Maxamed Daahir Iyo Caqabadaha Sharci Ee Horyaala?

HARGAYSA(W,N)- Mustafe Maxamed  Daahir oo mid kamid ah xubnaha Madaxwaynaha Somaliland usoo xulay in ay kamid noqdaan gudida doorashooyinka Somaliland Wakhtigan Ansixintoodu hortaalo golaha wakiilada.

Hadaba Mustafe Maxamed Daahir Oo ah Nin dhalinyaro ah Xiligana ah Xoghayaha Golaha Wasiirada Ee Xukuumada Madaxwayne Biixi Ahna xubin kamid ah shaqaalaha Madaxtooyada Somaliland.

Waa kuma mustafe  maxamed Daahir Mase Buuxinayaa Shuruudaha Looga Baahan yahay Qofka kamid Noqonaya komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Mustafe wuxu kamid yahay dhalinyrada reer Somaliland ee waxbarashadiisa Hoose Dhexe la KowSatay yagleelkii Jamhuuriyada Somaliland isagoo magaalada boorama ka bilaabay waxbarashadiisa hoose/ dhexe isagoo dugsiga sare Ka baxay 2005  isagoo isla sanadkaa ubaxay waxbarasho dibadeed dalka suudaan Halkaasi oo uu kusoo qaatay Waxbarashadiisa Heerka Kowaad,

Sidoo kale Mustafe Maxamed Dahir wuxuu kasoo shaqeeyay haayadaha caalamiga isagoo gudoomiye kuigeenka ka noqday Dalada Ururka Dhalinyrada Somaliland Ee Sonyo.

Mustafe Maxamed Dahir Oo Wakhtigan hawlgala qasriga madaxtooyada Somaliland isagoo ah xoghayaha golaha wasiirada jsl mana jirto meel uu xilkaasi iskaga casilay,

Iyadoo shaqaalaha dawlada ka hor imanayso shuruudaha looga baahan yahay xubinta kamid noqonaysa komishanka qaranka.

Mustafe Maxamed Daahir oo aynu xogaa kasoo qaaday Taariikhdiisa ma yahay shaksi buuxinaya shuruudaha looga baahan yahay xubinta kamid noqonaysa komishanka doorashooyinka?

Dhanka kale dada mustafe Maxamed Daahir ayaa sida ay Sheegeen dhalinyaradii ay isku lodka ahaayeen Aan wali gaadhi dada looga baahan yahay xubinta komishanka doorashooyinka oo ah 40jir halka mustafe uu ka yahay 37sano jir wallow aan si cad loo hayan cadaymo muujinaya in dadiisa rasmiga ah iyo inta uu isagu shakhsiyan Qiraalka yahay!

BAL AYNU Eegno Shuruudaha looga baahan yahay qofka Noqonaya komishanka Doorashooyinka Jsl.

Dhanka kale mutafe maxamed daahir wuxuu kamid yahay dhalinyarada sida cad uga midka ah  xisbi xaakimka kulmiye taasi oo ay cadayn utahay qoraalo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga kuna cadeeyay in uu ku biiray xisbiga kulmiye!

Halka mid kamid Qoraaladiisa uu ku baahiyay barta uu Ku leeyahay Isla xidhiidhka bulshada ee facebookga uu ku shaaciyay iyadoo lagu dhawaaqin doorashada madaxtooyada Natiijada uu ku sheegay in ay madaxwaynaha iyo kuxigeenka ku guulaysteen muuse biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici, taasi oo iyana muujinaysa awooda masuuliyadeed ee laga filan karo iyo kala fogaanshaha xubinnimada komishanka iyo waxa looga baahan yahay,

Sikastaba ha ahaatee Madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi ayaa isagoo og shuruudaha looga baahan yahay qofka noqonaysa komishanka doorashooyinka ka badheedhay in uu soo xulo Mustafe Maxamed Daahir Oo safka hore ka galaya xubnaha aan buuxin shuruudaha looga baahan yahay xubinnimada komishanka doorashooyin wallow madaxwayne Biixi oo isagu xubinta soo xulay yahay madaxwayne aan ka noqon waxa uu go,aansado sax iyo khaladba. Taasi oo ay daliil utahay go,aankii uu ka qaatay komishankii hore oo markii danbe ku dhamaatay sidii uu doonayay taasi oo keentay in doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiiladu dib udhacaan!

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS