Masuul Katirsan Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa Oo ka Warbixiyay Shir Uu Kaga Qaybgalay Dalka Jarmalka Iyo Arimaha Lagaga Hadlay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuul Katirsan Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa Oo ka Warbixiyay Shir Uu Kaga Qaybgalay Dalka Jarmalka Iyo Arimaha Lagaga Hadlay!
October 19, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Agaasimaha waaxda bilicda ee dawlada hoose ee caasimada hargaysa Khadar cali Yuusuf  ayaa ka warbixiyay shir caalami ah oo uu kaga qaybgalay dalka jarmalka gaar ahaan magaalada boon,

Shirkan oo ahaa mid ay kasoo qaybgaleen ilaa iyo boqol maayar oo kamid ah maayarada magaalooyinka dunida

Agaasime khaddar ayaa sidoo kale faah faahin ka bixiyay waxyaabihii lagaga hadlay shirkan iyo muhiimada uu u lahaa somaliland’ isagoo arimahaasi ka hadlayana wuxu yidhi,

Alxamdulillah;

Waxaa maanta si rasmi ah noogu dhamaaday shirweynihii Caalamiga ahaa ee ‘Child Friendly Cities Summit’, kana qabsoomay Magaaladda Cologne ee Wadanka Germany.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Mayoradda dhawr boqol oo Magaalo oo dunida dacaladeeda isaga yimi sidoo kale khuburo kala duwan Caruur iyo dhalin ka yimid daafaha dunida Madaxda u sareysa Unicef iyo Hay’ado Caalami ah oo lagu marti qaaday shirka,  Team-ki Hargeisa ee aan hogaaminayey waxaan gaadhay Guulo waaweyn oo ay ka kid yihiin:-

  1. Waxaan fursad u helay inaan ka mid noqono Magaalooyin kooban oo bandhigyo ‘presentations’ ka jeediyay shirka.
  2. Waxaa la i siiyey habmaamuus Mayor oo dhamaystiran iyada oo aan ka qayb galay sessions kala duwan oo u gaar ahaa Mayoradda Aduunka, fursadna aan u helay inaan gudbino baahiyaha Caasimadda isla markaana aan xidhiidho ka helo qaar ka ka mid ah Mayoradda Magaalooyinka waaweyn ee Aduunka.
  3. Waxaan gudbinay anaga oo ka faa’idaysanyna fursadaas dahabiga ah qadiyada Somaliland anag oo Madaxdi kala duwanayd u qaybinay buugaag qaarkoodna sharaxaad kooban ka siinay qadiyadda qaranka Jsl, sidoo kale waxaan ku kala bixinay Shirkaasi Calankeena sharfta leh taasi oo keentay in su’aalo naga weydiyaan una sharaxno Qaranka Jsl.

4. Waxaan si rasmi ah u saxeexay Declarationki 5 qodob oo aduunku isku raacay  space-ka oo yaraa awgeed Magaalooyin badan umay suurto galin

COMMENTS
LINKS