Xarunt Dhimirka Ee Sahan Oo Ku Talaabsatay Horumar Iyo Qorshe Waxbarasho Oo Ay Bilowday! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xarunt Dhimirka Ee Sahan Oo Ku Talaabsatay Horumar Iyo Qorshe Waxbarasho Oo Ay Bilowday!
October 19, 2019 - Written by Editor:

HARGAYS(W,N)- Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Hinda Xirsi Gaani, ayaa ku dhawaaqday “runtii waxaanu agaasinka iyo maamulka Sahan heshiis ku nahay qofkii u baahan in wax u qabto in aanu xaruntan keeno, aadbaan ugaga mahad celinayaa maamulka iyo aasaaseyaashaba, tanina waa mid kamida shaqadii aanu qaranka u haynay”ayey tidhi Wasiir Gaani oo ku wareejisay maamulka xaruntan qalab dhamaystiran oo ay ku shaqo tegayaan 13 Arday oo ka baxay dufcadii 10aad ee dugsigan oo bartay farsamada gacanta.

Ardayda ayaa la guddoonsiiyey agab isugu jira Dawaarka Maryaha lagu tollo, Kabo iyo qalab kale oo daruuri u ah shaqada, waxa kale ooo deeqdaasi ka mid ahaa xoollo nool oo adhi ah, waxaana dhamaan agabkan iyo xoollahaba ku caawisay Wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada oo ka jawaabaysa balanqaad ay u fidisay xarunta sahan.

Munaasibad loo qabtay wareejinta deeqdan oo ka dhacday xarunta sahan ee galbeedka Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirro ka socda xukuumadda, Maamulka xarunta, Aqoonyahan, waxgarad, waalidiinta ardayda dhamaysatay waxbarashada ee qalabka lagu wareejiyey iyo marti-sharaf kale.

Khudbado ay halkaasi ka jeediyeen xubno kamida madaxda dawladda, maamulka dugsigan iyo marti-sharaftu, ayaa waxa ay ubucdoodu ahayd in ay xarunta Sahan buuxisay kaalin wax ku ool ah oo bulsho, loona baahan yahay in la garab istaago Dawlad iyo Shacab.

Xarunta sahan waxa la aasaasay wakhti toban sanno ka soo wareegtay, waxaana lagu bilaabay dhismeyaal kooban, haddase waxa ay degentahay Kaambool weyn oo ay ka dhisan yihiin dhismeyaal bilicsan, sida uu sheegay agaasimaha xaruntan Kayse Xasan Cumar oo ka hadlayey xaflada ay kula wareegeen Kaalmada ka soo gaadhay Dawladda.

Geesta kale, Maamuleyaasha Xaruntan, ayaa sheegay in lagu soo kordhiyey qaybo kale oo la xidhiidha barashada Diinta iyo duruusta maadiga ah, taasoo lagu xoojinayo xirfadaha aqooneed ee la baro dadka lagu hayo xarunta oo ah kuwa ay asiibaan xannuunnada dhimirku, isla markaana halkan loogu fidiyo Dabiib, daryeel, dhaqan-celin iyo waxbarasho.

Dhanka kale, Bashiir Maxamed Jaamac oo ah Maamulaha guud ee Cisbitaalka Sahan ayaa uga mahad-celiyey Wasaaradda shaqo-gelinta agabka iyo Xoollaha nool ee ay ku wareejisay, waxaanu sheegay in talaabo wanaagsan oo dhiirigelin ah ay u tahay maamulka iyo taageerayaasha xarunta.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS