Dawlada Kenya Oo Shaacisay Magaca Shakhsiyaad Al shabaab Uqaabilsan Weerarada Laga Fuliyo Xadka Dalkeeda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Kenya Oo Shaacisay Magaca Shakhsiyaad Al shabaab Uqaabilsan Weerarada Laga Fuliyo Xadka Dalkeeda!
October 19, 2019 - Written by Editor:

KENYA(W,N)-Booliiska la dagaalanka Argagixisada ee dalka Kenya ayaa aqoosaday shaqsiga Al-shabaab u qaabilsan weerarrada xadka, gaar ahaan weerarkii lagu dilay 11 Askari ee horaantii bishan ka dhacay duleedka Libooyo.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Abdullaahi Banati ayeey ku sheegeen lamaha la dagaalanka Argagixisada in uu yahay maskaxdii ka danbeysay weerarro dhowr ah oo ka dhacay xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

”Ciidamadu waxey ku raad joogaan sarkaalkan lagu magacaabo Banati iyo maleeshiyaadkii kale ee gacanta siinayay waxeyna u badan tahay in ay u baxsadeen dhinaca Soomaaliya;’ ayeey sheegeen saraakiisha hay’addaha Amniga ee soo saaray Warka arintan ku saabsan.

Waxaa la sheegay in uu Al-shabaab ku biiray sanadkii 2012ka, isaga oo qeyb weyn ku lahaa weerar lagu qaaday xerada Baure oo ay degnaayeen ciidamada Kenya sanadkii 2015kii.

 

COMMENTS
LINKS