“Waynu Mudaharaadi Karnaa, Muujina Karnaa Cabasho, Laakiin Waa In Aynu Ogaanno In Dalkeenu Ka Duwan Yahay Ethiopia & Sudan”Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waynu Mudaharaadi Karnaa, Muujina Karnaa Cabasho, Laakiin Waa In Aynu Ogaanno In Dalkeenu Ka Duwan Yahay Ethiopia & Sudan”Prof Cabdi Cali.
October 25, 2019 - Written by Editor:

Dalkeenu Wuu ka Duwan Yahay Sudan Iyo Ethiopia.

Haa, Waynu mudaharaadi karnaa, wayn muujin karnaa cabasho; laakiin waa in aynu ogaanno in dalkeenu ka duwan yahay Ethiopia iyo Sudan; iyaga waxa laga dafiray xaqii ay wax ku dooran lahaayeen iyo dimuqraadyadii; innagu taas waynu haynaa; intaa aynu hayno iyagu ma hayaan.

Iyagu marka ay mudaharaad samaynayaan sharci ma raacayaan, maxaa yeelay sharciba ma jiro oo waa kalitalis; immika waxay ku jiraan marxalad kala guur ah, waanay ku guulaysteen kacdoonkii.

Innaga keenu ma aha kacdoon; mudaharaadkeenu waa sixid ka dib markii aynu aragnay in xukuumaddii ka leexatay dariiqii heshiiska lagu ahaa; haddii aynu sugi kari wayno doorashada aynu ku beddelayno xukuumadda maanta, waa daw in la muujiyo cabasho ama mudaharaad ha lagu muujiyo, qoraal ama sidii kale ee munaasib ah, ee sharcigu sheegaye!!

Sidaa darteed baan u leeyahay innagu marka aynu rabno in aynu tallaabo qaadno yaanay sheekadeenu u ekaan ta waddamadaas aynu soo sheegnay, ee aynu la tashano garyaqaanadeena. Waynu odhan karnaa xukuumadduba sharciga ma ixtiraamto, sidaa darteed annaguna waxba ixtiraami mayno; laakiin haddana haddaan la kala roonaan roob ma da’o; yaynaan innagu samayn waxay iyagu sameeyaan!!

Waxan u jeedaa yay naan noqon dameeri dhaan raacday; waddankeena dimuqraadiyadda ka jirtaa kama jirto wax ka badan 4-5 dal Afrika oo dhan; ama ogow ama ha ogaan taas.

Ugu danbanyntii, Muse diid oo dhan ha inoo ururinina, oo yaanay ina hogaamin kuwo ujeedooyin kale leh oo ay innaga dhaxayso oo kaliya diidmo qof; Isaguba shalay kacdoono ayuu hogaamin jiray, isaga oo leh xaq baa innaga maqan; dee iska jir oo ha qaadan qof kasta oo Muuse diid ah!!!

QALINKI; Prof Cabdi Cali Jaamac; ku dhaqanka sharciga iyo maamul wanaag

COMMENTS
LINKS