Qaran Iyo Qabiil: Laba Aan Is Qaban Karin!!W/Q:Xuseen Deyr. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaran Iyo Qabiil: Laba Aan Is Qaban Karin!!W/Q:Xuseen Deyr.
October 28, 2019 - Written by Editor:

Tilmaamaha Togan iyo Astaamaha Xilkasnimo ee lagu garto BISAYLKA AY UMMADI LEEDAHAY waxa sal-dhig u ah kolba sida ay Ummaddaasi iskugu bogaadiyaan uguna faanaan wixii samo, wanaag iyo horumar ah ee dalkooda iyo dadkoodaba u soo kordha (laga bilaabo Qof illaa Qaran), iyo kolba sida ay ummaddaasi iskaga garaabaan wixii xaqdarro iyo caddaalad-xumo ah ee dhexdooda ka jirta.

Sidoo kale, tilmaamaha lagu garto dal-jacaylka iyo dareenka wadaninnimo ee ay ummaddaasi leedahay waxa ka mid ah:

Kolba sida ay ummaddaasi meel ugaga soo wada jeestaan cadawgooda noocyada badan leh;

Ku dhaqanka iyo u hogaansanka Shuruucda, Xeerarka iyo Dastuurka Qaranka;

Ilaalinta Hantida Qaranka iyo wixii ay ummaddu wada leedahay;

La dagaallanka xaq-darrada, xumaanta iyo xiqdiga bulshada lagu kala qaybinayo;

Haddaba, marka aad si dhab ah ugu kuur-gasho muuqaalka xaaladaha siyaasadeed, kuwa nololeed iyo kuwa horumar ee ummadda JSL, waxa si cad u muuqata oo aad arkaysaa inay ummaadeenu tahay bulsho doonaysa inay AFAR SHAY oo aan is-qaban karin ay hal mar wada adeegsadaan! Kuwaasoo kala ah: QABIIL, QARANNIMO, DIMUQRAADIYAD IYO HORUMAR!!

Waqtigan xaadirka ah, ku dhaqanka qabyaaladda ayaa ah Min-qiyaaska iyo Halbeegga jiheeya qaabka fikirka siyaasiga ah iyo ka dhaqan-dhaqaale ee bulshada JSL. Qabiilka iyo ku dhaqanka Qabyaaladda ayaad moodaa inay inaga indho-tireen mudnaantii iyo ahmiyaddii ay lahayd WADDANIYADDA iyo WADAJIRKA BULSHADU, taasoo aad mooddo in xataa Caqiidadii-Islaamkaba uu Qabiilku inalaga weyn yahay.

Ilaa iyo inta uu Dareenka Qabiilku ka xoog badan yahay Dareenka Qarannimada waxa hubaal ah in aanay Ummaddaasi marnaba is-waafajin karin  QABIILKA, QARANNIMADA IYO DIMUQRAADIYADA!! Waxa hubaal ah in aanay Ummaddaasi marnaba HORUMAR gaadhi doonin!! Waxa hubaal ah in ay jiri doonto jaah-wareer iyo kala-qaybsanaan bulsho oo joogto ah!!

Haddaba, marka ay sii xogaystaan DAMACA QABIILKA iyo ku DHAQANKA QABYAALADU, waxa hoos u dhaca Hanka, Himilada iyo Hiigsiga ay ummaddu leedahay. Ku dhaqanka Qabyaaladdu waxay ummadda u horseedaa xaalado adag oo halis ku ah wadajirkooda iyo jiritaanka Qarannimadooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin:

Waxa hoos u dhaca Rajada iyo Filashada Bulshada ee xagga Mustaqbalka in ay Berri Maanta ka fiicnaan doonto;

Waxa hoos u dhaca asaaska iyo jiritaanka ummadnimo iyo Dareen-Wadareedka mideeya qaybaha kala duwan ee bulshada;

Waxa kobca kala-qaybsanaanta, Qabyaaladda, Hunguriga iyo Dan-shaqsi ka fikirka;

Xag Dhaqan, Xag Dadnimo iyo xag Diineedba, waxa luma ixtiraamka, karaamada, is-qadarinta iyo kala-dambaynta bulshada dhexdeeda;

Waxa timaadda xaalad ay ummaddaasi isku guubaabin waydo wanaagga, horumarka, runta iyo arrimaha u adeegaya danta guud ee bulshada;

Waxa timaada xaalad ay ummaddu ka dhiidhiyi waydo xaq-darrada maalin-laha ah, xumaanta iyo xiqdiga bulshada lagu kala qaybinayo;

Arrimahan oo dhammi waxay halis weyn ku yihiin min-qiyaaska horumarka bulshada iyo dareenka wadajirka ee saladhiga u ah Ummadnimada.

Hadaf iyo himilo kasta oo ay ummadi leedahay waxa lagu gaadhaa waa Midnimada iyo Wadajirka Bulshada. Taasi ayey danta guud ee ummadda iyo maslaxadda Qarankuba ku tamarin karaan. Midnimadu waa sida keliya ee lagu difaaco karaamada, jiritaanka iyo xaqa ay ummadi u leedahay inay noqdaan Qaran jira oo madax-bannaan oo laga tix-geliyo bulshada caalamka. Midnimadu waa xoog iyo awood adag oo aanu cadow kasta loodin karin.

Wa Billaahi Tawfiiq,

ALLAA MAHAD LEH,

W/Q: | Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr)

 LA SOCO QAYBAHA DAMBE

COMMENTS
LINKS