Axmed Muumin Seed Wasiirka Beeruhu Wuxu Qeyb Ka Yahey Tabashooyinka Awdal Ee Xukuumada Madaxweyne Biixi Q2aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Axmed Muumin Seed Wasiirka Beeruhu Wuxu Qeyb Ka Yahey Tabashooyinka Awdal Ee Xukuumada Madaxweyne Biixi Q2aad
October 28, 2019 - Written by Editor:

Boorame(W,N)-Sidii aynu Kusoo Qaadanay Qormaddii hore Falanqeynta Bulshadu habeen iyo Maalin ku hadalhayso Golaha Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, oo aynu u Dhigney in ay qodimada u Fujisey Dawlladnimadii Somaliland Marka loo eego Qeyb Wasiirada kamid ah oo Hawlgab u badan, iyo Qeyb Kale oo iyaguna, aan Waayo arag Siyaasadeed aheyn, oo Dhalinyaro Saaxada ku Cusub u badan iyo Koox kale  oo bilaa Aqoon ah oo aynu Ku Calaamadsaney(Haa, iyo Waayahey).

Hadalhaynta Wasiirada Badankooda ee Dhinaca Falanqeynta Dadweynuhu iyaddoo aanay kala dhicin Marka loo eego Golaha Xukuumadan, islamarkaana, ay Shacabka Badankiisu Quus ka joogsadeen Rag aad loogu Tuhmyay in ay hore ugu dhex jireen Doorka Siyaasada laakiin kasoo bixi Waayay Shaqadii  Wasaaradahooda haddana Wasiiradda aan Carabka laga dhigin, ee Sababta u ah in Madaxweyne Biixi Xukuumadiisa lagu Tilmaansado in ay Dib-usocod ku Noqotey hanaankii Dawladnimo ee ay Somaliland ku Socotay Waxa Safka hore kaga jirra Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed oo Wasaarad ka itaal Roon Waxsoosaarkii Dalkana Muhiimad u leh loo dhiibay taas, oo aanu Aqoonteedii iyo kartideedii midna lahayn Sidaa daraadeedna doorkeedii iyo balanqaadkii Dhinaca Waxsoosaarka Beeruhu ku qaawan Yahey Guud ahaanba Bulshada Beeralayda Somaliland oo ka Cabsi Qaba in uu ka Shini Guuriyo Keydkii dhinaca Shinida ee Cunada Wadaniga ah.

Marka taa laga Yimaado Arimaha Sia Weyn ay Mudooyinkii u Dambeeyay Dadweynaha Reer Awdal ku qoomameeyeen Wasiirnimada Axmed Muumin Seed haddana ay Maanta la yaaban yihiin Madaxweynaha Gudida uga Dhigay Dadkii uu Shaley Madaxa isku galiyay ee Deegaanada Waqooyiga gaar ahaan Beesha Ciise iyo Beesha Samaroon ee Deegaanka Gargaara kadib Markii Warqad uu u qorey dhinac Kamid ah islamarkaana, uu baxsadey ama.dhuuntey markii Shacabkii isqabsadeen ayaa ah arinta hadda Sida Weyn loo hadalhayo taas oo u muuqata in uu Talaabooyinkaas ugu dhiiradey  Damiir La,aan iyo Sababta uu Madaxweynuhu ugu Xushey Golaha Wasiirada, Waxaanay amuurtani noqonaysaa markii ugu horeysay ee Nooceeda ah oo Wasiir ama Masuul Xukuumada Somaliland katirsani iska horgeeyo Shacabka Somaliland Taariikhda ay Soo jirtey taas oo Cawaaqib Xumadeedu aad Madaxa U Xanuujisey Waxagaradka iyo Duqeyda labada Dhinac.

HARGEISA PR

 

 

COMMENTS
LINKS