“Madaxweyne Tanaasula, Dadka la Tashada,Oo Duco Qaata,Waxan Ka Door bidnay,Muj,Wax Iska Celiya,Tiisana Haysta” W/Q;M.A. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Tanaasula, Dadka la Tashada,Oo Duco Qaata,Waxan Ka Door bidnay,Muj,Wax Iska Celiya,Tiisana Haysta” W/Q;M.A.
October 31, 2019 - Written by Editor:

Madaxweyne Tanaasula Dadka la tashada, Bulshada ku xidhan,oo Duco Qaata,waxan ka doorbidnay,Muj,wax iska celiya,Tiisa haysta, markaa yaa innakala Badbaadin,haddii aan lanaga roonaan by M.A

Runtii Somaliland waxay halkan ku soo gaadhay,wadatashi,isku tanaasul si looga gudbo Caqabad kasta oo inala soo gudboonaata,

Maanta waxaad Moodaa in Xaaladuhu ay sidii hore ka duwanyihiin, islamarkaasna xal loo laayahay  khilaafaadka Siyaasadeed iyo ka Dhaqan beelaha u dhexeeya,

Muddadii uu xilka hayey,Madaxweyne Muuse Biixi,

Dadbadan ayaa ku mashquulsan Sobobta xal loogu laayahay,khilaafaadkan dalka hadheeyey,

Dadka gaarkii waxay ku fasireen murankan in uu la xidhiidho ama daba socdo Doorashadii Madaxtooyada Ee Ugu dambeysay,ee dalka ka Qabsoontay,wax kasta oo sobob u ah waxay xallinta khilaafaadku u taallaa Marba sida Talada haysa, haddii aanu nahay Beesha uu Madaxweynuhu la soo jedi,

Markii aanu kala reebaynay Beesha Dhexdeeda,labada Musharax ee tartamayey Xisbiga Kulmiye oo kala ahaa,

C/casiis Maxamed Samale iyo Muuse Biixi Cabdi,

Beeshu dood dheer ayey ka yeelaray xulistooda iyo kala reebista labada Musharax,

Waxana lakala Qabey laba aragtiyood,

1 aragtida hore waxay odhanaysay haddii aynu rabno in aynu soo saarno Madaxweyne Somaliland oo idil Matala,rabitaanka Somalilandna ku shaqeeya islamarkaasna muddo xileedkiisa kaliya ku kawada oo aan wakhti dheeraada ku Darden,markalena aan isa soo sharaxin,aynu doorano, C/casiis Maxamed Samaale,

2- qolada kale oo aan aniga ka mid ahaa ,

Waxa aanu qabnay Aragti taa ka duwan,

Waxanu qabnay,haddii aan rabno in aynu soo saarno Madaxweyne Somaliland inta Ka maqan xoog ku    keena,Mucaaridka dalka afka laaba,muddo xileedkiisa kordhisan kara ,marlabaad isa soo sharaxi kara, Termka labaad Marka uu dhammeystana,Dib ugu Celin kara Kursiga beesha kale ee aynu Xulafada nahay,

Aynu u doorano  Madaxweyne Muuse Biixi,

Waxana loo batay in Muuse biixi cabdi sidaasi lagu taageero, hadaba maanta

Dalka waxa ka jira kacdoono lagu diidanyahay maamulka Madaxweyne Muuse biixi,kacdoonkaasi oo ku dhiman

Beelo ,jabhado,xisbiyo Qaran,

Waxan u soo jeedin lahaa beelaha ,habhadaha,iyo Xisbiyada Qaranka ee Mucaaridka ku ah Xukuumadda Muuse Biixi,

Haddii aanu nahay Beesha Habar awal,

Haddii aanu doonayno Tanaasul,

Wadatashi,iyo gacan fidsan waxanu idil keeni lahayn Sh C/casiis Maxamed Samale, may dhicin oo Allana Muu Qadarin,sidaas darteed, haddii aad rabtaanIn aan kala bedbaadno,idinku tanaasulka keena, waa sida kaliya ee aan maanta Dalka ku badbaadin karno,

Walibana ilmaadeerayaal wixii hore Raali gelin ka siiya Madaxweynaha

Wabillaahi towfiiq

By Mustafa Sh Abibaker,

Tog wajale,Gabiley

Attachments area

COMMENTS
LINKS