“Madaxweyne Geelle Waxa Laga Baran Kara: Siyaasadaha Kursigaaga Iyo Dalkaba Loo Ilaaliyo”Barkhad-ladiif | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Geelle Waxa Laga Baran Kara: Siyaasadaha Kursigaaga Iyo Dalkaba Loo Ilaaliyo”Barkhad-ladiif
November 4, 2019 - Written by Editor:

2008-kii Markii Uu dhacay dagaalkii Jabuuti iyo Eritrea wixii ka dambeeyey madaxweyne Geelle waxa uu isku dayey in aan loo soo adeegsan Canfarta Jabuuti degta oo aanay Eritrea soo hubayn, maadaama oo Canfartu sadexdan dal wada degto, Jabuuti, Eritrea iyo Itoobiya.

Waagii hore oo ay ku yaraayeen xilalka sarsare ee dawladda waxa uu go’aansaday inuu xilal badan uga qaado Soomaalidda, waxaanu wada siiyey baddi xilalkii ugu waaweynaa, sida Ra’isal wasaaraha, wasiirka Arrimaha Dibada, wasiirka Gaashaandhiga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale, waxa uu dareensiiyey lahaanshiyaha wadankooda si ay u difaaci karaan, maadama oo ay degaan laba gobol iyo badh iyo qayb ka mid ah Caasimadda.

Tiradda guud ee shacabka waxay canfartu ka tahay 35% waxaanu siiyey xilalka ugu waaweyn oo wuu u sadburiyey, soomaalidda waa caqlabiyadda 60%, halka Carabta degan tahay 5%.

Sababta kursigiisu aamanka u yahay ama ay adag tahay in laga qaadaa waxa kow ka ah, waxa uu xilalkii dawladda u badiyey Canfartii oo ka yar soomaalida, soomaalida lafteeda oo beeshiisu u badan tahay waxa uu la simaya soomaalidi kale ee ka dad yaraa, markaad eegto xaga saami qaybsiga xilalka si fiican buu u qaybiyey, waxaanay beeshiisa u aragta inay xaq ay lahaayeen cid kale uu ka siiyey.

Qalinkii; barkhad-ladiif maxamed cumar.

Hargeisa Somaliland.

 

COMMENTS
LINKS