“Xaqiiqda Xadhiga Dhimbiil Iyo Taladayda! Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xaqiiqda Xadhiga Dhimbiil Iyo Taladayda! Prof Cabdi Cali.
November 4, 2019 - Written by Editor:

“Waa Lasii Daayaa Maxamed Dhinbiil,Inta Aanay Dhamaan Saacadaha Kooban Ee Sharcigu Ogolyahay In Qofka La Haysto”

Waan xasuustaa kalmadda dadka qaar ku eedaynayaan maalintii uu soo dhigay inanku, waxay ku beegnayd waqtigii geerida; waxa dhacday in dad sidaa u fahmeen, hase yeeshee inanku markiiba wuxu raaligaliyay dadka sidaa u fahmay, waxana ka danbaysay in uu soo dhigay tacsidii Taliyaha (AHU), waanu baraxay  hadalkii la dhibsaday,  markii aan booqday bartiisa Facebook ga; sidaa darteed, wixii meesha ku jiray inanku isagaa dhammeeyay oo basiryay, walaalayaal. Haddaba maxaa jira ee loo xidhay inanka?

Waxa jirta in uu inanku aad u soo bandhigay kiliibyo madaxda xisbiga Kulmiye ah iyo taariikh dhaw oo la xidhiidha ballanqaadyadii madaxda IWM; haddaba, aniga waxay ila tahay in inanka loogu gabbanayo dareenka caadifadeed ee geeridu leedahay si loo xidho qof ulo booca loogu tukubayay!!! haddii aynu ka hadli wayno maanta na sidaas baa mid kasta oo innaga mid ah loogu geli doonaa luuq, si loo hagardaameeyo.

Dhinaca kale, waxba laguma helayo haddii maxkamad la geeyo, maxaa yeelay hadalku qoray wuxu ahaa hadal guud oo aanu cidna magac dhabin; inkasta oo si qaldan loo fahmi karayay, marka la eego waqtiga geerida ee uu ku soo beegmay qoraalku; si kastaba ha ahaatee, haddii ay intaas tahay eeddu, la iskuma xukumo waxa niyadda qofka ku jira, mar haddii aanu isagu cidna magacaabin; dacwadda noocaas ah na maxkamaduhu ma dhegystaan; u malayn maayo xataa in falylkaasi furmaayo, haddaan xukun Qar-qoosh arrinku ahayn; teeda kale qofkii isagii baa cudur daar bixiyay, isla markaana tacsi qoray; dee waa qof isa saxay, haddaynu xitaa nidhaa wuxu u jeeday ciddaas!!!

Sidaa darteed, waa in la iska sii daayaa Dhinbiil inta aanay dhammaaan saacadaha kooban ee sharcigu ogolyahay in qofka la haysto, haddii kale ceeb wayn ayaa ka raaci doonta cidda xidhay!!!

Qalinkii; Prof Cabdi Cali Jaamac ; ku dhaqanka sharciga iyo maamul wanaagga.

COMMENTS
LINKS