Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Muj Maxamuud Boodhle (Waran) Oo Ku Geeriyooday Gabiley! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Muj Maxamuud Boodhle (Waran) Oo Ku Geeriyooday Gabiley!
November 5, 2019 - Written by Editor:

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Mujaahid Marxuum  Maxamed Boodhle Maxamuud oo ku geeriyooday maanta  oo ay taariikhdu tahay 05/11/2019, magaaladda Gabiley.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii, nabadayntii iyo dib u xorayntii dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS