Xadhigii Muhamed Dhimbiil Iyo Dhacdooyinkii Ku Lamaanaa!Qalinkii; Furduus Maax. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xadhigii Muhamed Dhimbiil Iyo Dhacdooyinkii Ku Lamaanaa!Qalinkii; Furduus Maax.
November 5, 2019 - Written by Editor:

“Waxaanu Codsanaynaa In Madaxda Ciidanku Dabogal Ku Sameeyaan, Cida ka Dambaysay Ama Adeegsatay Ciidanka Booliska Si Loo Soo Xidho Muwaadin Aan Dambi Galin”Farduus Maax,

Waxaa shay la xidhay Maxamed Cabdi Jaamac. Dhimbiil (Maxamed Shabcaan) Oo ay ciidan dablay ah oo hubaysan Gawaadhina wadataa ka kexeeyeen isaga oo ku suganaa wasaarada maaliyada dhexdeeda oo ah wasaarada uu u shaqeeyo. Maxamed waa muwaadin reer Soomaaliland ah oo isla markaana ka tirsan shaqaalaha qaranka Soomaaliland ee wasaarada Maaliyada. Maxamed waa Aabo Saddex carruur ah iyo xaaskiisa ka masuul ah isla markaana waa arday ku jira jaamacada Hargaysa kuliyada sharciga oo ah degree labaad ee uu Maxamed qaato kuna jiro sannadkii labaad. Waxaa intaa u dheer Maxamed waa shaqsi firfircoon oo bulshada ka dhex muuqda qawl iyo ficilba. Waxtarkiisa qoys iyo ka bulshoba ma aha wax qoraal ama hadal lagu soo koobi karayo.

Waxa intaa dheer dhamaan qoyska maxamed Cabdi Jaamac ka soo jeedo in ay yihiin wadaniyiin dhab ah oo ah dadka waddankan dhisay hore iyo haddaba Dhamaan qoysku waxay kaalin ka soo qaateen ilaa maantana ka hayaan laamaha kala duwan ee halbawlaha dalka iyo wasaaradaha waxtarka bulshada ugu sareeya gaar ahaan caafimaadka, ciidanka iyo Waxbarashada. Intaa haddaan kaga hadho walow aanaan koobi karayn qiimaynta guud ee Maxamed Cabdi Dhimbiil aan u soo noqdo dulucda qoraabkayga oo daaran dhawr xuquuqood oo dhamaanteen ina khuseeya.

Xoriyada Qawlka

Waxaan marar hore wax ka qoray xoriyada qawlka iyo halgankii ay duniddu u soo martay in dadku qawlkood xor u ahaadaan, taas oo wali ka mid ah xuquuqal iinsaanka loo doodo waana waxyaabaha aynu u soo dagaalanay kagana go’anayd dawladii Soomaaliyeed. Haddaba iyada oo aan wax raad raac ah iyo cadayn ah midna loo hayn ayaa waxaa male awaal loo xidhay Maxamed Cabdi iyada oo askarta Boolisku ka kaxeeyeeyn xafiiskiisa iyaga oo aan sidan warqad cadaynaysa in la soo xidho Maxamed isla markaana loo kexeeyey si qafaalasho ah oo inta laba nin dibada ugu yeedheen ka dibna hub lagu hareereeyey balse maxamed isaga oo xaqdhawraya askarta qaranka Soomaliland xishmaynayana dirayska ay sidaan ayuu si xasilooni ah u raacay askartii. Waxaana la geeyey xarunta dambi baadhista (CID)halkaas oo uu ku xidhnaa muddo 34 saacadood ah. Mudadaa waxaa loo diiday in cid aragto iyada oo warbaahinta, qareenada, siyaasiyiin iyo qoyskuba booqdeen haddana cidina way sheegi kari weyday sababta uu maxamed u xidhan yahay. Waxa iyana baraha bulshada laysla dhex qaaday in Maxamed u xidhan yahay qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada kaas oo haba yaraatee aan ku cadayn in uu cid ula jeeday.

Maxamed waa xubin aad u firfircoon kolka la eego xaga social media oo aad wax u qora, wuxuuna wax ka qoraa arrimaha bulshada iyo siyaasada dalka hase yeeshee waligii Maxamed kuma deelqaafo cid madax iyo shicibtoona. Waxase nasiibdaro ah in dadka wax qora ama dhiiri galiya in ay dadku fikirkooda muujiyaan in la dacweeyo isla markaana ciidanka nabadgalyada loo adeegsado si ka baxsan anshaxa ciidanka.

Yaa Adeegsada Ciidankeena?

Waxay arrintani cadaynaysaa in ay dad adeegsan karaan ciidanka dirayska sida iyaga oo u adeegsanaya dano gaar ah oo Aan khusayn amaanka dalka iyo shicibka midna. Sidaa darteed waxaan dhiiri galinaynaa in taliyaha ciidanka boolisa iyo dhamaan taliyayaasha laamaha kale ee amaanku ka taxadiraan in ciidanka cid kale adeegsan karto iyaga oo aan haysan amar iyo qoraal ka soo baxay xafiiska taliyahooda.

Sidoo kale waxaa ay arrinta noocan ah khalkhal galinaysaa kalsoonidii iyo wada shaqaynta ciidamada amaanka iyo shicibka dalka. Waxaananu codsanaynaa in madaxda ciidanku dabogal ku sameeyaan cida ka dambaysay ama adeegsatay ciidanka booliska si loo soo xidho muwaadin aan dambi galin.

Ogolaanmayno shicib ahaan in ciidankeenu u shaqeeyo cid kale oo qofkii doonaaba uu adeegsan karo kuna fushan karo ficilo ka dhan ah shaqsi iyo wadarba, sidan haddii ay dhacday waxaa suuro gal ah in falal argagixiso loo adeegsan karo ciidan dirayska sida laguna mu’aamaradayn karo dawlada iyo dalkaba. Waxaananu dacwad u dudbindoonaa taliyaha ciidanka booliska marka xilwareejintu dhamaato.

Ogolaan mayno in dadka iyo ciidanka layska horkeeno ama dadka karaamadooda lagu gafo iyada oo awooda qaran shaqsi ama dhawr shaqsi adeegsanayso.

Waxaanu mahad u celinaynaa dhamaan dadkii ka xumaaday xadhiga deelqaafka ah ee lagu qaaday walaalkeen/saaxiibkeen Maxamed Dhimbiil waxaanan idin ogaysiinaynaa in uu hada ku suganyahay gurigiisa wax haba yaraatee loo haystaana aanay jirin.

Mahad Allaah leh iyo ummadiisa wanaagsan.

QALINKII; Farduus  Maax seed.

COMMENTS
LINKS