Is-rasaasayn Xoogan Oo Caawa Ka Dhacday Xarunta Baarlamaanka Punthland &Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Ay Sobobtay+Xaalada Garoowe! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Is-rasaasayn Xoogan Oo Caawa Ka Dhacday Xarunta Baarlamaanka Punthland &Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Ay Sobobtay+Xaalada Garoowe!
November 6, 2019 - Written by Editor:

Garoowe(W,N)–Wararka Laga helayo magaalo madaxda Maamul goboleedka Punthland ee Garoowe  ayaa sheegaya in is rasaasayn xoogan ay caawa ka dhacday xarunta baarlamaanka punthland Taasi oo udhaxaysa ciidanka ilaalada xarunta Baarlamaanka iyo ciidamo kale oo ka socday dhinaca madaxtooyada  taasi oo sas iyo jahawareer ku abuurtay shacabka ku dhaqan magaalada garoowe.

Is rasaasayntan oo ka dhacday afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa waxay u dhaxeysay ilaalada Baarlamaanka iyo ciidan kale, oo sida la sheegay ka socday dhinaca Madaxtooyada Puntland.

Wararka laga helayo magaalada garoowe ayaa intaa ku daray in Ciidamo isugu jira boolis, PIS iyo Daraawiishta Puntland ay weerar ku qaadeen ilaalada Xarunta Baarlamaanka, kuwaa oo taabacsan Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed.

Dagaal kandhexeeyay ciidanka ilaalada xarunta baarlamaanka iyo kuwo ka socday madaxtooyada punthand ayaa sobobay khasaare dhimasho Hal askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku dagaalamayay goobtan iyo  dhaawaca laba qof oo shacabka ah

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda  wakhtigan gacanta ku haysa Xarunta Baarlamaanka Puntland, halka warar qaar sheegayaan in ay xarunta gacanta ku hayaan ciidamadii ilaalada u ahaa  wollow aan si cad loo shaacin xaqiiqada dagaalkan iyo waxa sobobaytoona.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadlin is rasaasaynta khasaaraha geysatay ee caawa ka dhacday  xarunta baarlamaanka,

Dhanka kale warar kasoo baxay magaalada garoowe ayaa sheegay in ay xaaladeedu cakiran tahay taasi oo ay rabshadahani saameeyeen dhinaca isgaadhsiinta iyo isku socodka magaalada taasi cabsi ku abuurtay shacabka reer punthland eek u dhaqan magaalada garoowe

WAJAALENEWS DESK.

COMMENTS
LINKS