War Deg Deg Ah; Fal Ka Dhacay Kastamka Magaalada Wajaale Oo Sobobay Geerida Askari Katirsan Ciidanka Ilaalada Cashuuraha Iyo Xogaha Laga Helayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah; Fal Ka Dhacay Kastamka Magaalada Wajaale Oo Sobobay Geerida Askari Katirsan Ciidanka Ilaalada Cashuuraha Iyo Xogaha Laga Helayo
November 7, 2019 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N) Alle Ha Unxariistee Askari  tirsan ciidanka TulbaTaariyada ayaa galabta ku geeriyooday Kastamka Magaalada Wajaale Ee Gobolka Gabiley kadib markii ayku dhacday xabad ka qaraxday askari ay wada tirsanaayeen ciidanku kastamka wasaarada maaliyada ee magaalo ganacsiyeedka tog wajaale dhexdiisa  Taasi Oo sobobtay Geerida Askarigan.

Taliyaha ciidanka Tulba taariyada ee Wajaale oo aanu khadka telfanka kula xidhiidhay ayaa sheegay in dilkan ay sobobtay kadib markii askari ciidanka katirsanAy  xabadi ka qaraxday taasi oo ku dhacday gidaar kadibna kusoo noqotay askariga Geeriyooday Ayuu yidhi taliye Baashe.

Wararka kale laga helayno dhacdadan ayaa sheegay in khilaaf soo kala dhexgalay labadan askariga ay sobobtay xabad uu ku dhufto marxuumka geeriyooday,askarigii kale,

Askariga Geeriyooday ayaa lagu magacaabaa Alle ha,unaxariistee Marxuum Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Axmed,

Majiro wax rasmi oo kasoo baxay dhacdaani halka maamulka degmada tog wajaale oo aanu wax ka wadiinay kaliya noo xaqiijiyeen in falkaasi dhacay galabta 4;00pm balse wax faahfaahin aanay ka bixinay inta lagu jiro baadhistiisa

Askariga dilka gaystay iyo alle ha,unaxariistee maydka Askarigii kale ayaa loosoo Qaaday dhinaca Magaalada Hargaysa

Laamaha Amaanka ayaa wali baadhitaano ku wada dilkan ka dhacay magaalada tog wajaale ee gobolka gabiley kaasi oo laga war sugi doona wixii kasoo baxa.

WIXII FAAH FAAHIN KALA SOCO WARARKEENA DANBE

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE.

 

 

COMMENTS
LINKS