WAJAALE NEWS

“Fariinta Nabbada Ee Ceel-Afwayn,W/Q;Mustafe Axmed Xaas.

Waa wax lagu farxo ifafaallaha nabbadeed ee ka muuqda deggaan-ka Ceel-afwayn, waana darreen qalbiyada wanaagsan ka farxinaaya, waa wax lagu farxo go’aan-ka wanaagsan ee ay qateen madaxda dhaqan-ka ee kasoo jeeda labbada beelood.

Colaadda Ceel-afwayn waxay ahayd mid lagu riiqday oo ay dad badani ku dhinteen, kuwo kalena dhawaaca wayni kasoo gaadhay, colaadda Ceel-afwayn waxaa isku dilay waxay ahayeen “wiil iyo Abtigii”,labo hooyo wado dhashay oo ka kala dhashay labbada beelood, sheekooyin-ka mrugada leh ee aan ka maqlay dad aan is warsannay, waxa ka mid ahaa:- “in labo walaalo ah oo ay hooyo wadda dhashay ay ku dhinteen iyagoo ku kala jira colka labbada beelood”, labo walaalo ah ayaa inta ay iska hor yimaadeen labadiiba halkaas ku qudh baxeen, Waana dhacdo ay xaqiijiyeen dad arrinta Ceel-afwayn iiga warramay, sheekadii aan qorey ee “Beer-doox” ayaa aan dareenkaas sida ay u saamaysay walaalaha wada dhashay aan ku muujiyay sawirka foosha xun ee ay leeddahay Colaaddaasi.

Qof WhatsApp-ka igula soo xidhiidhay mar aan qoray sheekadii “Libaan” oo ahayd wax afka qalaad loogu yeedho “Novel Story” ama sheeko faneed oo aan ula jeeday wacyigalin nabbadeed, ayaa waxa qof ii xaqiijiyay tiro aan imink xusuus ahaan iloobbey in hooyo kasoo jeeda degaan-ka ama soonnahaas Ceel-afwayn ay ku dhinteen dhamaan wiilashii ay dhashay oo dagaalkaas ay “goblan” ku noqotay “Subxanna laah” iminkana ay ku nooshahay tuulo ku taala degaankaas. Markaa Colaaddaasi dhibka iyo qalbi jabka ay bulshadaa walaalaha ah ku reebtay waa dareen murugo leh.

Markaa waxa halkaas ka dhacay marka aynu si guud uga warano ,waxay ahayd dhacdo fool xun, lkn ciid-na kuma dhaliilayno waxay ahayd qaddar Eebbe, naf wakhtigeedi dhamaadayna cidi ma baajin karto, caqliga wanaagsani waxa uu ku sheegayaa in kii dhintay aanu tallo inooga baahnayn ee kan maanta nooli uu talo inoogga baahanyahay “Caano qubtay dabaddood ayaa la qabtaa”.

Waxaan aad u tageerynaa anigga iyo intii ila dareen ahi, ee wanaaga iyo nabbada jeceliba, in dariiqa wanaagsan ay maanta madaxada dhaqanka ee labbadaas beelood ay qaateen si ay dadkooda dariiqa nabbada ugu horseedaan in la wadda taageerro, maxaa ka qurux badan “labbada is dilay oo heshiiyay”, maxaa ka qurux badan in dadka wada dhashay samir kala qataan oo way isku dhamanayeen ee, ay is dabo qabtaan”, nabbadu qiimaha ay leedahay “nin raggi wuu garranayaa ‘ nacana waa yeelkii” waxaan leeyahay ku socda dariiqa nabbada , tallo waa rogrogis ee isu tannaasula oo fura xadh-kaha colaadda , si aad u xidhaan xadh-kaha nabbada, anaguna duco ayaan idiin soo diraynaa, ilaahyna SWC. waxaan ka baryaynaa inuu boggiina burcad isu mariyo, qalbiyadiinana uu jacayl iyo kalgacayl ku abuuro.

Aniga iyo intii ilaa darreen ahi ,waxaan aad ugu farxanay oo qalbigay-ga farxad wayni saaqday markii aan arkay dadkii oo gacmaha is haysta oo magaaladoodii Ceel-afwayn dhexmaraaya oo meel u wada jeeda, waa arrin aad ii qiiro galiyey markii aan ka arkay warbaahinta,qofkasta oo darreen islaamnimo ku jirtaana way taabanaysey.

Sida uu noo xaqiijiyay nin oday ah oo Ceel-afwayn la xadhiidhay wuxu yidhi:- waa la isku “ooyay” waxa is helay dad kala baadday oo qaraabo iyo rixim ahaa, waxa abtigii laabta galiyey mid aan arkin mudo abtigii, waa la isu soo hiloobay oo la isku bohol-yoobay oo laabta ayaa la is wada galiyey si kalgacayl ka buuxo ,waa dareen uu qalbigu la dubaaxinnaayo.

 

Maxaa hooyo da’ ah oo gu’geedu cimriyey colaaddaas ku gob-lantay oo guri madoow ka dhex ooyaysa, maxaa caruur yaryar maanta Aggoon noqtay, maxaa walaal iyo Abti lagu waayey, maxaynu dadkeenu ku dilnay, maanta waa in aan is cannaanano oo nabbada u istaagno, dhinac na looga soo wadda jeesto qofka xumaanta wadda, kaasi waa inuu dayro” noqdaa oo aanu qabiil noqon, gacan bir ahna lagu qabtaa, ninkii nabbada diida waa in si middaysan loo wajahaaa oo ummada laga dhex qabtaa.

Guud ahaan ummada reer somaliland waxaan ugu baaqayaa in laga qayb qaato nabbada reer Ceel-afwayn, qalin iyo qoraal, maqal iyo muqaal inta aad awoodo inaad nabbada ku darsato, kii aan waxba ku darsanayn xumaan iyo samaan inuu Afkiisa ka haysto lagana nabbad gallo.

Erraygayga ugu danbeeya waxaan u dirayaa bulshada qurbo joogta ah ee kasoo jeeda labbadan beelood, waxaan leeyahay walalayaal waxa la idinku dhaliilaayey inaad ahaydeen dadkii qaybta wayn ku lahaa dab-kaa colaadda ee maanta la bakhtiinayo, dhaliisha idin wadda huwin maayee ee qaar idinka mid ahi waxay si uun ugu lug lahaayeen waxa halkaas ka dhacaya, waxaba naf kama aydinaan qaadin ee waxa ku dhintay dadkiini nin aan qaraabadiisa iyo riximkiisa cidi kaga bixin ma jirto, waxaan se leeyahay walalayaal nabbada u istaaga oo maanta is dabo qabta, “ilahayna u toobad keenna” nabbadaas iyada ahna ka qayb qaata, hadii xoolihiina aad ku bixiseen colaadda, ilahay SWC danbi dhaaf waydiista, maantana is dabo qabta oo nabbadaas u hura naf iyo maal.

Ugu danbayn waxaan u ducaynaynaa cid kasta oo nabbada wanaag ku darsatay, waxaanan usii ducaynaynaa Waxgaradka nabbadaas wadda ee ku jira sidii losoo afjari lahaa coladdaas, waxan leenahay alaah ha idiin fudaydiyo dariiqa nabbada rabina ha idinku sugo xaqa iyo wanaaga. dadkaas wada dhashay ee is Beer-dooxay waxan ilaahay uga baryayaa inuu beerkooda burcad isu maraiyo waa xigaalkayo ,waa qaraabadaydii ,waa riximkayagii waa dadkaygii nabbadooda ilaahay dartii ayaan u jeclahay,jidhkayguna waa u dumqanayaa oo waan u diirraynaa.

Allaah nabbad haka yeelo Ceel-afwayn iyo meel kasta oo colaaddi ka jiro somaali dhamaanteed Aaamin.

Waan sii waddi donnaa fariinta iyo wacyigalin nabbada intii rabi ii qadaro .

Allaah ha u naxriisto dhamaan dadkii ku dhintay Colaaddaaas, inta dhaawaca ahna Rabi caafimaad degdega ha siiyo.

Illaahay ayaa SWC mahad iska leh, ii oggolaaday inaan fariintan qoro iyo inaad akhrisataan walaalahayoow, Allaaha ayaa mahad dhamaanteed u sugnaatay, ilaahyna waxan ka baryaynaa inuu naxriista aduun iyo aakhiro labbadaba ina wadda siiyo, waxay sharafi korkiisa ahaatay Nabi “Maxamed SCW”, Rabi ha inagu hanuuniyo dariiqa wanaagsan ee xaqa ah.

Allaah mahadleh.

Facebook. Mustafe Ahmed Geedi

WhatsApp.0659555532

Qoraaga Sheekoyi-nka Beer-doox.

Waxa Qorey.Mustafe Axmed M Geeddi-Xaas.

Exit mobile version