Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Ninka Xadhiga Kuugu Hanjaba Iyo Ka Kuugu Hanjaba Wax Baan Kaa Qori?Prof Cabdi Cali, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Ninka Xadhiga Kuugu Hanjaba Iyo Ka Kuugu Hanjaba Wax Baan Kaa Qori?Prof Cabdi Cali,
November 7, 2019 - Written by Editor:

Bayaamin

لِّيَهْلِكَ مَنْ هَلَكَ عَن بَيِّنَةٍ وَيَحْيَىٰ مَنْ حَيَّ عَن بَيِّنَةٍ

Aniga waxaa doontaan iga qora, xukuumaddana waxa aad doontaan ka qora, laakiin ka daaya dadka iyo dalka hagardaamada!! saw war cad ma aha; marka horebe, khilaafkeenu halkaas buu daarnaa, ee aniga wax dhib ah oo aad ii geysateen may jirin shaqsi ahaan!!

Waxan u mahad celinayaa dadkii badnaa ee runta u sheegay nimankaas; runtii iyagaa i furtay, ee anigu juuq ba uma odhan;, waxanse la yaabay, dad baa jira igu lahaa nimanka ma waxa aad ku haysataa in ay kaa aragti duwanaadaan; talaw maxay u yaqaannaan kala aragti duwanaanta; mayee, iyaga iyo idinka taageersanba farqiga inoo dhexeeyaa ma aha kala aragti duwanaan ee waxa kala duwan waxa aynu rumaysanahay ama qiimayno (beliefs and values); qofka caayaya reer ama doonaya dhiig daata, ama diidddan qaranimada Somaliland mise intaa wixii ka sokeeya; intaa wixii ka sokeeya ee dhaliil xukuumadeed leh, ee is toosin leh, nin diidi karaa ma jiro; waana ta aanu wadno annaguba; laakiin haddii aad booriso ama dhiirigaliso in la is dilo, abuurto nacayb qabiil, si dadku u kala irdhoobaan uma aqaano ra’yi iyo kala aragti duwanaan, ee waxan u aqaan wax qofku ku mutaysan karo ciqaab haddii sharciga la raaco, ama canbaarayn bulshada dhexdeeda.

Sidii aan hore u soo sheegay, aniga shakhsi ahaan waxba igumay daan samayn, xukuumaddana anigaaba dhaliila oo taasna idin kuma haysto; ninka aan garanayn waxa aan idin ku haysto isaga laftiisa waxan leeyahay ina kala gur inta goori goor tahay; anigu ma ahi siyaasi saqajaankii xaabaysan jiray ee urursan jiray cid kasta oo ka soo horjeeda ninka ay kursiga isku hayaan!!! hadda isku maba’ ba ma aha; anigu ma rabo taagerayaal aanaan isku mabd’ ahayn, oo aanaan isku wax rumaysnayn ama wadaagin qiimayaasha sar-sare, ee ay ka mid yihiin, dal jaceylka , dad jacaylka, midnimo jacaylka, diin jacaylka iyo dhaqan jacaylku!!

Aniga iyo ciddii ila mabda’ ah, ma aha muhiim in aanu badanahay ama yarnahay, labadiina kooxood ee dalka waalaya, laakiin isku hadafka ah, iskuna farsamada ah waanu idinka dhicinaynaa waddanka iyo dadka; nagumana baqo gelin kartaan xadhig ama baqo maal kale (imprisonment or blackmailing); saw ma ogidin in xukuumaddu isticmaalsho xadhig, idinkuna waxa dadka ku baqo gelisaan saw ma aha waan ku ku ceebayn, oo wax baan kaa qori; adeer, ma sir baa dadka ka wada haysaan; bal soo daaya waxa sir haysaan!!! dadku iyagaa kala baandhaysan doonee!!! ma cirkaanu ka soo dhacnay intaas baanu ku dhex le’ekaanay dadkan aad u warramaysaane!!

QALINKII; PROF CABDI CALI ; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga

COMMENTS
LINKS