Dawlada Maraykanka Oo Jawaab Cadho leh Ka Bixisay Hadalkii Kasoo Yeedhay Amiirka Alshabaab. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Maraykanka Oo Jawaab Cadho leh Ka Bixisay Hadalkii Kasoo Yeedhay Amiirka Alshabaab.
November 8, 2019 - Written by Editor:

Wajaalenews(Nairobi):-Dowladda Mareykanka ayaa ku gacan seertay guulihii ka dhankaa ahaa Mareykanka ee uu amiirka Al-Shabab Axmed Cumar Abu Cubeydah ku sheegtay muuqaal socday 52 daqiiqo oo uu dhowaan soo duubay.

Taliye ku-xigeenka howl-gallada ee taliska Mareykanka ee Africa AFRCOM, Brig. Gen. Miguel Castellanos ayaa sheegay in guulihii uu Abu Cubeydah ka sheegtay weerarkii ay dagaal-yahanada kooxda ku qaadeen saldhigga Ballidoogle aysan waxba ka jirin, balse taal beddelkeeda jab weyn lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Castellanos oo warbixin ku qoray shabakadda Military Times, ayaa sheegay in weerarkii dhacay 30-kii September lagu wada dilay dhammaan 15-kii dagaal-yahan ee Shabaabka ahaa ee soo qaaday, kadib markii ay ka hor-tageen ciidmadii Mareykanka ee ilaalada ka ahaa saldhigga.

“Waxay lumiyeen noloshooda, hubkooda iyo qalabkooda.” Ayuu yiri Castellanos.

“Saddex baabuur oo walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa qeyb ka ahaa weerarka fashilmay, laba ayagaa is qarxiyey inta aysan saldhigga soo gaarin halna waxaa haleelay gantaal lala beegsaday.” Ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in waxa kaliya ee Mareykanka gaaray ay ahayd hal askari oo miyir doorsamay kadib markii uu ka naxay jugta qaraxa

“Tani waa sababta aysan argagixisada u baahin wax muuqaallo ama sawirro ah oo ay ku caddeyn karaan borobogaankooda inay khasaare gaarsiyeen Mareykanka, sababtoo ah ma jiro wax khasaare ah.” Ayuu yiri Brig. Gen. Miguel Castellanos.

“Ururada argagixisada waxay inta badan beenta iyo akhbaartan aan saxneyn u baahiyaan si ay u xoojiyaan qorshahooda wax burburinta ku dhisan, uguna dhiiri-geliyaan dagaalyahanada ay qoranayaan. Si gaar ah, tani waxay inta badan dhacdaa marka khasaaraha uu ayaga ku badan yahay, uuna gabalkooda sii dhacayo. Tani waa xaaladda iminka ee Al-Shabaab.”

Brig. Gen. Miguel Castellanos ayaa sheegay in Al-Shabaab “ay sii wadi doonto inay been baahiso, balse xaqiiqda dhulka ka jirta ay taas ka duwan tahay.”

COMMENTS
LINKS