Waa Kuma Taajirka Isu Arka Inuu Trump Kagaga Adkaan Karo Doorashada Soosocota. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Kuma Taajirka Isu Arka Inuu Trump Kagaga Adkaan Karo Doorashada Soosocota.
November 8, 2019 - Written by Editor:

Washinton(W.N):-Taajirka ganacsadaha ah, Michael Bloomberg ayaa si adag uga fakaraya in uu ka qeybgalo tartanka loogu loollamayo qofka xisbiga Dimuquraadiga ku matali lahaa doorashada soo socota.

Maayarkii hore ee magaalada New York wuxuu walwal ka qabaa in musharrixiinta hadda taagan midkoodna uusan ka guuleysan karinDonald Trump, sida laga soo xigtay lataliyihiisa.

Ninkan oo 77-sano jirka ah waxaa la filaya in isbuucan uu warqad u diro Hordhaca doorashada madaxweynaha ee Dimuquraadiga ee Alabama.

Illaa 17 musharrax oo Dimuquraadi ah ayaa doonaya in foodda ay daraan madaxweyne Trump.

Madaxweyne ku xigeenkii hore, Joe Biden, Elizabeth Warren iyo Bernie Sanders waa kuwa ugu cadcad hadda.

Afti dhowaan la uruuriyay waxaa lagu sheegay in Warren iyo Sanders – oo labada loo arko in dhanka bidix ay u janjeeraan, marka loo eego Biden – ay suuragal tahay in Trump uu dhulka ku jiido haddii midkoodna uu noqdo musharraxa madaxweyne ee Dimuquraadiga.

Illaa iyo hadda, seddax musharrax oo Jamhuuriga ka tirsan ayaa sheegay in Trump ay kula loollamayaan cidda xisbiga mataleysa doorashada soo socota.

Laakiin wax aan suuragal ahayn ayay u muuqataa in Trump ay cidna ka qaadi karto kursiga uu ku matalo Jamhuuriga.

Muxuu sheegay lataliyaha Bloomberg?

War qoraal ah ayuu Howard Wolfson ku yiri: “Hadda waxaan u baahannahay in shaqada aan soo afjarno aanna xaqiijino in Trump afka ciida loo daro.

“Laakiin Mike si joogto ah ayuu uga walaacsan yahay in musharrixiinta hadda is daba ordaya aysan wax fursad ah u haysan in ay ka guuleystaan Trump.

“Iyadoo la qiimeynayo guulihiisa uu gaaray, hoggaaminta iyo awoodda uu u leeyahay mideynta dadka iyo isbedelka, Mike wuxuu awood buuxda u yeelan doonaa in uu hardan adag la galo Trump uuna dhulka ku jiido,” ayuu yiri Wolfson.

Madaxweyne Trump oo 73 sano jir ah, illaa iyo hadda kama hadlin arrintaas.

Presentational grey line

Taajir ka soo jeeda New York oo madaxweyne ah?

Illaa iyo hadda, tallaabadan waa sida dhibic biyo ah oo badda lagu daray, balse waa mid muhiim ah. Kaalinta maayarkii hore ee New York, ee Balaayiinka dollar haysta, waxay sii xoojineysaa loollanka loogu jiro qofka matalaya xisbiga Dimuquraadiga.

Siyaasiga ku soo dhowaan kara Bloomberg ee aragtida dhexe ku saabsan waa Joe Biden – laakiin ololihiisa wuxuu u muuqdaa in uu sii liicayo.

Ma ahan markii ugu horreysay ee uu ninkan u hanqal taago doorashada madaxweynaha, inkastoo marka ugu dambeyso uu ka haro.

Laakiin, xilliyadii hore isaga ayaa iskii uga hari jiray isagoo aaminsanaa in shacabka Mareykanka aysan u codeyneynin taajir ka soo jeeda new York. Laakiin walaacaas hadda wuu dhammaaday.

Presentational grey line

Waa kuma Michael Bloomberg?

Mr Bloomberg waxay hantidiisa ka badan tahay $52 bilyan oo dollar sida ay qortay barta arrimaha taajiriinta ka hadasha ee Forbes. Taas waxay boqolkiiba 17% ka badan tahay lacagta Trump oo gaareysa $3.1 bilyan oo dollar.

Mr Bloomberg wuxuu Wall Street u qaabilsanaa arrimaha Bangiyada kaas oo maalgelinta daabacaadda boqor ku noqday, arrintaas oo dhistay magaciisa.

Waa deeq-bixiye tabarrucay malayiin dollar oo waxbarasho, caafimaad iyo arrimo kale lagu malgeliyay.

Michael Bloomberg (centre left) and Donald Trump (centre right) in New York. Photo: September 2016
Saaxiibbo hadda isku xumaaday: Michael Bloomberg iyo Donald Trump

Asal ahaan wuxuu ahaa Dimuquraadi, balse wuxuu ku biiray Jamhuuriga si uu doorashadii maayarka New York ugu guuleysto, sannadkii 2001-dii.

Wuxuu maayar noqday seddax doorasho oo isku xigay, illaa tan iyo 2012-kii, wuxuuna dib ugu noqday Dimuquradiga sannadkii la soo dhaafay.

Waxaa loo arkaa in uu yahay Dimuquraadi qunyar socod ah oo ka hadla isbedelka cimilada in ay arrin muhiim ah tahay, laakiin horraantii sannadkan wuxuu beeniyay in musharrax cadcad uu yahay.

Bloomberg wuxuu dhaqaale ku taageeraa ururka u ololeeya xakameynta hubka ee Everytown, kaas oo sannadkii 2014-kii uu maalgeliyay.

Kooxda iyo Mr Bloomberg, waxay door weyn ka qaateen doorashadii Dimuquraadiga ay sida weyn ugu guuleysteen ee gobolka Virginia, horraantii sibuucan.

Ururka kale ee u dooda in qof kasta uu qori lahaado ee NRA oo xarrun u ah Virginia, waxay $2.5 milyan oo dolllar ku bixiyeen doorashadii gobolka ka dhacday.

 

Source BBC

COMMENTS
LINKS