Ka’diyihii,Guusha Rayidka Tuunis! Qalinkii:Axmed Cali Kaahin Q.1aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ka’diyihii,Guusha Rayidka Tuunis! Qalinkii:Axmed Cali Kaahin Q.1aad.
November 10, 2019 - Written by Editor:

Dalka Tuuniisiya waa halkii iyo goobtii uu ka oo’gsaday kac’doonkii iyo daruu’rihii hadheeyay badi dunida Carabta, horaanta qarnigan. Daa’dadka duufaan taasi oo jiidhay Qasriyo badan, oo ku gaamuray kursiga xukunka ummado badan looga arrimiyo.

Halka bulshooyinka waddamadaa ku nooli wali la tiicayaan maxsuulkii uga soo baxay kacdoonkii ay ugu hayaamayeen xoriyad xalaala in mar uun helaan kana guuraan noloshii gumaysiga waddaniga ahyad, ee ay mudada dheer ku soo jireen. Taasi oo is ku badashay. baa’ba, burbur iyo balaayo aan la mahadin inta badan.

Haddana dhinaca kale waddanka Tuuniisiya oo ahaa ubucdii is badalku wuu ka xaalad duwanaa dhamaan waddamada kale ee carbeed, xaga dhacdooyin ka iyo burburka iyo dhimashada gaadhay dadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha waddamadaasi, Waxaana jira sababo badan oo loo tiiriyo.

Dadka falanqeeya arrimaha tuuniisiya waxay hoosta ka xariiqaan in ay jirto kala duwanan dhinaca hab siyaasadeedka, dhaqaalaha iyo mid xaga bulshada ah, halka qaabka bulsheedka ee ummada reer tuunis wax badan jaangoyso, taasi oo  oo ka xoog badan sababaha kale ee siyaasadeed iyo dhaqaale.

Sababta ugu wayn ee loo tiriyo isbadal bulsho waa heerka aqoonta ee bulsho leedahay sida ay ku doododaan dad badani, Maadaama bulshada reer tuunis u badan tahay heerka dhexe ee aqoonta ama dadka loo yaqaan xirfad layaasha sida Xisaabiyayaasha, looyarada, Ingineerada, Dhakhaatiirta, Macalimiinta iyo inta la hal maasha.

Taasi waxay keen tay in is badaladii ka dilaacay waddan kooda xaalad kasta oo  uu maray ay la tacaaleen si cilmiyana ula noolaadeen reer tuunis. Oo ka duwan dhamaan ku wii ka dhacay waddamadii kale, oo is ka ahaa badi ku kiciya ama ku dayasho reer tuunis ama ajandeyaal kale riixayeen ama looga faaiidaystay shidaalkaa dihnaa.

Ku dayashada dhacdooyinka hore haddaan si cilmi ama aqoon lagu waa jihin badi waxay noq’daan caadifad madhan. wax buurana laguma gaadho taariikh ahaan.

Heerka aqoonta bulshadaasi waxay fududaysay in si sahlan la is kula jaan qaado caqabad kasta oo dalka iyo dadku waajaho waana furaha is af-garashada rasmiga ah. Waa marka laga awood bato cudurka jahliga ee ummadaha aafeeya. Inta dabarka jahligu ummado badna dhex ceegaago cilmiguna dulaysan yahay guuli waa wali sida ku dhacday dalal badan jahliguna waa Aalad ay ku adeegtaan sharwadaashu.

Maxsuulkii umadaasi waa ta keentay in dalkoodu ka badbaado aafooyin badan sida (colaado sokeeyo, qaxoonti, burbur iyo jahawareer siyaasadeed.) Waxay tijaabiyeen xisbiyadi islaamiyiinta u janjeedhay, kuwii ka hadhay nidaamkii madaxwaynihii hore. Balse caadifad iyo isku dhac way ka fogaaadeen si dalkoodu u badbaado.

Dhawaan markuu geeriyooday madaxwaynihii waxa lagu dhawaaqay doorashooyin, dhamaan xisbiyadii kala duwanaa ee xafiiltanka siyaadaeed ka dhexeeyay waxay galeen is diyaarin adag si ay jaaniska uga faa’iidaystaan waxayna soo dhigeen musharaxiin.

Halka dadka rayidka ahi  jaanis kan u arkeen fursad jahawareerka lagaga bixi karo, waxa tartarmay musharaxiin madax banaani oo mid kastaa gaarkiisa iskugu taagay doorashada halka xisbiyaduna ku woodii soo sharaxeen. Sida badi dhici jirtay doorkan may dhicin balse dadka reer tuunis way hadleen

Ku dhiirashada musharaxinta madaxa-banaani, waxay soo jiidatay dareen bulsho, maadaama ay ka daaleen xafiiltanka xisbiyada, soona tijaabiyeen hab- maamul kooda siyaasadee iyo barnaamijyo hirgaliwaayay. Kuwaas oo xal u waayay xalinta baahiyaha bulshada oo aad hoos uga dhacay heerkii dawladii dhacday ee hore.

Taasi waxay keentay in Qays Siciid oo bulshada caadiga ah kasoo jeedaa ka dhex mudho dhamaan mushraxiintii Siyaasada ku gaamuray, halka isagu ka fogaa siyaasada ama aanu xil wayn oo dawladeed marna soo qaban ahaana xirfadle looyar ku xoogsada.

Dadka waxa soo jiitay dareen kiisa iyo doodiisa, badheedhayaasha cad-cad ku waajahan  mawqifyada inta badan siyaasiyiintu ka gabadaan, iyo qaab ka ol’olihiisu u socday oo aad basiid is dhuldhig badan ka muuqday kagana duwanaan kuwa kale oo kharash badan isticmaalayay. Halka uu  ku la dhay  ololihiisa in uu ku khudbadeeyo luqada Fusxada Carabiga isagoo ka guuray lahjadii reer Tuunis. Waana taasi keentay in wareegii koobaad ba uu ka soo dhex mudho musharaxiintii xisbiyada iyo kuwii kale ba. Haddii Rabbi Subxanah idmo waxa xiga Q.2aad. Qalinkii Axmed Cali Kaahin ahmedckahin@gmail.com

COMMENTS
LINKS