WAJAALE NEWS

Kooxda UN Monitoring Ee Qaramada Midoobay Oo Soo Saaray Wabrixintoodii Iyo Qaybaha Somaliland Khuseeya Ee Ay Soo Bandhigeen

Washington(W,N)-Guddiga khubarada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo saaray warbixintoodii sanadda 2019 ayaa qaybo ka mid ah waxay kaga hadleen arrimo ku saabsan Somaliland.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu soo ururiyay qaybaha ay guddiga Qaramada Midoobay ee UN Monitoring Group kaga hadleen Somaliland.

Shirkad Itoobiyaan ah oo hub ka iibisay Somaliland

Shirkadda dawladda Itoobiya leedahay ee la yidhaahdo Metals and Engineering Corporation (MetEC) ayaa u qiratay Kooxda Khubarada ah ee Qaramada Midoobay inay hub ka iibisay Somaliland iyo qaybo ka mid ah maamulada Somaliya. Dhokumentiyada ay aragtay Kooxdu ayaa ah kuwo muujinaya hub la kala iibsaday sanadihii u dhexeeyey 2013 ilaa 2015. Kooxdu waxaay sheegtay in lacag ka badan sadex milyan la kala siistay hubka.

Dhinaca Somaliland kooxdu waxay soo bandhigtay waraaq uu qoray taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Janaraal Ismaaciil Shaqale taas oo ku taariikhaysan 28 September 2014. Waraaqdu waxaay sheegaysaa in Somaliland ka heshay hub qiimihiisu dhan yahay 698, 600 USD shirkadda MetEC.

Warbixintu waxaay sheegtay in madaxda shirkaddu u sheegeen in shirkadda MetEC ee Itoobiya leedahay ay ula dhaqmi jirtay Somaliland iyo Puntland sidii dalal madax banaan.

 Weerar lagu qaadayay Vatican oo xog raadintiisu soo gashay Somaliland

Warbixintu waxaay sheegtay in nin magaciisa la yidhaahdo Cumar Mooshin Ibraahim oo Soomali ah oo ka tirsan kooxda ISIS lagu qabtay Bari oo ka tirsan Talyaaniga isaga oo doonanay inuu qarxiyo Vatican ka oo ah xarunta Boobka Kaatoliga. Ninkan oo sidoo kale loo yaqaan Anas Khaliiil  waxa la qabtay 17 December 2018 isaga oo doonayay inuu weerarkiisa ku booge xilliga ay Kiristaanku u dabaal degaan dhalashada Nebi Ciise, 25 December ee isla sanadkaas, 2018. Xidhiidhada uu sameeyey ee laga helay telefoonadiisa waxa lagu oogaaday inuu xidhiidh la lahaa Cabdulaahi Maxamuud Yuusuf oo loo yaqaan Abu Xaatim oo ah nin u dhashay Puntland balse lagu qabtay Somaliland sanadkii 2018.

Cabdulaahi markii la xidhay waxaay Somaliland ku qabatay dhokumentiyo ay ku qoran yihiin istiraajiyadda ISIS ay leedahay si ay ugu fido Bariga Afrika. Warbixintu waxaay sheegtay in xogo laga helay dawladda Somaliland ay sheegeen in ninkani booqday 12 dal oo ku yaal Afrika iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo ay ka mid yihiin Koonfur Afrika, Suudaan, Sucuudiga, Ciraaq iyo Kiiniya.

Ninkan oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ISIS wuxuu ka soo hawl galay Liibiya oo uu ka qaban jiray isku gudbinta ISIL, iyo Ciraaq oo uu ka soo dagaalamay meel u dhow Tirkriit.

Anas wuxuu sidoo kale xidhiidh la lahaa walaalkii oo degan Somaliland, kaas oo la yidhaahdo Cabdira’uuf Cumar Ibraahim (oo sidoo kale loo yaqaan Cabdirashiid Khaliil, Cabdira’uuf Khaliil iyo Debro Wayne). Cabdi’rauuf wuxuu ku xidhan yahay xabsiga Hargeysa, waxaase la filaya in la sii daayo December 2019, sida ay sheetay warbixintu.

Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ogaaday in Cabdulaahi Maxamuud Yuusuf uu xanuunka faaligu ku dhacay intii uu xidhnaa isaga oo Maxkamadaha Somaliland ay xukumeen.

Saldhiga Imaaraadka Ee Berbera

Kooxdu waxay sheegtay in dhismaha Imaaraadku ka wado Berbera uu ka soo horjeedo oo jebinayo cunaqabataynta ay Qaramada Midoobay soo rogtay. Kooxdu waxaay sidoo kale ku eedaysay Imaaraadka inuu diiday inuu wax jawaab ah ka bixiyo dalabyo ay u gudbisay, iyo in heshiiska lagu maamulayo saldhigga la tuso.  Kooxdu waxaay sidoo kale sheegtay in Somaliland u diiday inay booqdaan saldhigga. Kooxdu waxaay sheegtay in sawiro satalaytka ah oo la qaaday ay muujinayaan in horumar wayn laga sameeyey dhismaha oo la dhamaystiray gegida diyaaradaha (runway) iyo hangaro.

Eeddo loo jeediyay Wasaaradda Beeraha

Warbixintu waxay ku eedaysay Wasaaradda Beeraha ee Somaliland inay is-hortaagtay dadaalo uu ururka Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeruhu (FAO) ku doonayay inuu barcamiye ugu keeno beeralayda Somaliland oo ay sheegtay in abaar ku dhufatay ay saamayn ku yeelatay wax soo saarka cuntada.

Bishii January 2018, ayay FOA bilawday marshuuc ay ku keenayso 10, 000 tan oo barcimiye ah oo qorshuhu ahaa in la keeno May 2018. “February 2018 ayay FAO xulatay 20 ganacsto beeraha ah si ay u soo dejiyaan alaabta loo baahnaa, kuwaas oo ay ansixisay Wasaaradda Beeraha ee Somaliland. Haseyeeshee, Wasaaraddu waxaay diiday inay ogolaanshaha ay wax ku soo dejiyaan ay siiso dhamaan ganacastadaa marka laga reebo hal mid mooyee. Markii danbe Wasaaradda iyo FAO waxay isla garteen in afar ka mid ah ganacsatada loo ogolaado inay soo dejiyaan alaabta, balse May iyo June 2018 Wasaaraddu mar kale ayay is hortaagtay in la soo dejiyo iyada oo diiday inay ogolaansho siiso sadex ka mid ah afartii ganacsato ee lagu heshiiyay.

Wasaaraddu waxaay soo jeedisay in ganacsato ay iyadu wadato ay soo dejiyaan oo qaybiyaan dhamaan 10, 000 ee tan ee siidhka loogu baahan yahay marshuuca, taas waxa diiday FAO. June 2018 FAO waxaay u dirtay Wasaaradda waraaq dhamaystiran oo ay kaga cabanayso faro-gelinta ay Wasaaraddu ku hayso marshuuca. Is-hortaagga ay samaysay Wasaaraddu darteed, siidhkii iyo barcamiyayaashii toona lama soo dejinay xilli beereedkii loo baahnaa, markaa FAO way joojisay marshuucii July 2018.”

Gunaanad

Kooxda UN Monitoring Group ayaa warbixinihii ay hore uga diyaarin jireen Somaliland waxa ku badnaan jiray eedaha musuqmaasuq ee lagu xidhiidhin jiray xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, laakiin sannadkan ma jirto wax eeddo musuqmaasuq ah oo ay UN Monitoring Group u jeedisay Somaliland.

XIGASHO WARGAYSKA GEESKA

Exit mobile version