Somaliland Oo Qorshaynaysa Sidii Dib Loogu Soo Celin Lahaa Qaxoontiga Reer Somaliland Ee Ku Sugan Dalka Jabuuti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Oo Qorshaynaysa Sidii Dib Loogu Soo Celin Lahaa Qaxoontiga Reer Somaliland Ee Ku Sugan Dalka Jabuuti.
November 13, 2019 - Written by Editor:

Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Jsl Oo Safar Shaqo Ku Tagay Dalka Jabuuti Iyo Ujeedada!

JABUUTI(W,N)-Gudoomiyaha Hayada Qaxoontiga iyo barakacayaasha somaliland Cabdikarim Axmed Maxamed (Xinif)-  ayaa safar shaqo ku tagay dalka jabuuti,

Gudoomiye xinif ayaa waxaa magaalada jabuuti uu shir kula yeeshay wasiirka arimaha gudaha jabuuti iyo gudoomiyaha haayada barakacayaasha jabuuti.

Safarka gudoomiyaha haayada qaxoontiga somaliland ayaa daarnaa sidii labada dal uga wada hadli lahaayeen qaxoontiga reer somaliland ee ku sugan dalka jabuuti sidii dib loogu soo celin lahaa dalka jamhuuriyada somaliland

Qaxoontiga reer somaliland ee ku dhaqan dalka jabuuti kuwasi oo dalka jabuuti tagey wakhtigii gayiga somaliland uu ka socday dagaalkii dawladii siyaad bare ay ku haysay shacabka reer Somaliland oo sobobay in boqolaal kun oo reer Somaliland ah caalamka ugalaan qaxoonti

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan;

COMMENTS
LINKS