Dugsi Somaliland Ah Oo Tayadiisa Waxbarasho Lagu Ammaanay Fagaarayaasha Caalamka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dugsi Somaliland Ah Oo Tayadiisa Waxbarasho Lagu Ammaanay Fagaarayaasha Caalamka!
November 13, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Dugsi ka furan caasimada Hargeysa ayaa tayadiisa waxbarasho lagu ammaanay fagaarayaasha caalamka, kuna mutaystay inuu magaca dalkiisa Somaliland raaciyo iskuulada caalamka laga aqoonsan yahay.

Dugsiga ELM oo hore magaciisu ahaa Young Muslim Academy, kana mid ah kua gaarka loo leeyahay ayaa toddobaadkan lagu dari doonaa mid ka mid ah dugsiyada bixiya nidaamka waxbarashada ugu wanaagsan Ingiriiska ee adduunka, sida lagu baahiyey shalay mareegta Businessweek.com

Iskuulkan oo lagu maamuusi doono Adeegga Aqoonsiga ee Iskuulada Caalamiga, Kulliyadaha iyo Jaamacadaha {ASIC} shir caalami ah oo ka dhacaya Kuala Lumpur Malaysia 13-14 Noofembar, ayaa la saadaalinayaa in kulankaa lagu abaalmarin doono inay ka mid yihiin iskuulada ugu wanaagsan. ELM School, waa iskuulkii ugu horreeyay ee caalami ah oo ku yaal caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Dugsiga Elm waxaa loo arkaa inuu la mid yahay dugsiyada caalamiga ah ee gaarka loo leeyahay marka la eego tayada iyo heerka waxbarasho. Waxaa la aasaasay bishii Abriil 2007, dugsiga waxaa dhigta in kabadan laba kun oo arday.

Iskuulku oo la siiyey shahaado waxbarasho tayo leh, ee ay bixiyaan hay’adda Adeegga Aqoonsiga Ingiriiska ee Kuliyadaha Caalamiga ah iyo iskuulada (ASIC), oo xarunteedu tahay magaalada London.

Machadku waxa kale oo uu bixiyaa nidaamka waxbarasho ee 8-4-4, kaas oo si tartiib tartiib ah loogu baddalayo Manhaj ku saleysan kartida, taasoo ka dhigaysa  iskuulkii ugu horreeyay ee laga hirgaliyo Somaliland.

Waxay leedahay xanaanada, waxbarashada hoose, dhexe iyo mid sare. Unugyadan waxaa lagu calaameeyay guud ahaanba magaalada kobaca leh ee Hargeysa.

“Sharaf weyn ayey noo tahay inaan ku guulaysano ASIC. Waa caddeyn inaan carruurtayada siineyno waxbarashada ugu wanaagsan, ”ayey tidhi Benson Samia, maamulaha Elm.

In kabadan 70 qof oo reer Kenya ah ayaa ka shaqeeya iskuulka macalin ahaan.

“Macallimiinta Kenya waxay fududeeyeen waxbarasho tayo leh, lana jaanqaadaysa nidaamka caalamiga ah. Waxa kale oo aanu leenahay macallimiin gudaha Somaliland aanu ka qaadanay. Waa xarun dhaqammo kala duwan leh,”ayaa ay raacisay Samia.

 

COMMENTS
LINKS