Maxaa Xalay Lagu Arkay Cirka Dhulka Somaalida?W/Q;Eng. Adel Ugaas “ICT Consultant” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Xalay Lagu Arkay Cirka Dhulka Somaalida?W/Q;Eng. Adel Ugaas “ICT Consultant”
November 15, 2019 - Written by Editor:

Waxaa Qaar ka Mid ah Gobolada soomaaliya cirka lagu arkay wax u eg xidigo ifaayo kuwaas si teel teel ah iyo si wadajir ah u wada socda taasoo fajacgelisay umada soomaaliyeed oo waxaan oo kale weligood arag!

HADABA MAXAY AHAAYEEN?

Waxaa idin muuqday waxa ay ahaayeen DAYAX GACMEED cusub oo loo yaqaan STARLINK kaasoo bishaan november 11keeda ay hey’ada SPACE X oo laga leeyahaya wadanka mareykan ay magaalada florida  ka kicisay 60 dayax gacmeed abaarihii 9:56am saacada america halka GMT ahayd 2da duhurnimo oo raacsan 56 daaqiiqad.

DAYAXA STARLINK MUXU YAHAY?

Dayaxaan cusub ee dadka badankoda ka yaabiyay kadib markey ku arkeen hawada oo guduudan dhimbilo cmlna uduulaaya ayaa shaqadiisu tahay in INTERNETKA lagu gaarsiiyo caalamka oo dhan tuulo iyo magaalo internet xawaarihiisa dheereeya.

DAYAXYADA KALE LAMA ARKE KANI MAXAA LOO ARKAY?

Dayaxaan waxa uu kaga duban yahay waxaa ku xeran matooro super drago loo yaqaan kaasoo  ilaali  nabad gelyada hawada aduunka qaab intellegent ah  balse waxaa usii dheer waxa uu bixinayaa holac deb ah iyo nalal guduudan kuwaasoo aan lahayn dayaxyada kale, waxaana usabab ah in aan shil ku gelin hawada si diyaaradaha iyo waxa isticmaalaya hawada mudada uu sii duulaayo sidoo kalane emergancy ahaan uu ufareejeeyo marka cilad timaado.

MUXU KAGA DUWAN YAHAY INTERNETKA HADA JIRA?

midkana wuxu aad uga qiimo jabnaa doonaa internetyada hada jira isagoo ilaa tuulooyinka gaarsiin doono internet xawaarihiisa Sareeyo oo hada shirkadaha internetka bixiya aysan awoodin inee gaarsiiyaan goobaha adag.

SIDEE LOO ISTICMAALAA INTERNETKAAN CUSUB?

Sida ay sheegtay hay’ada SPACE X oo hoostagta hay’ada NASA ee mareyka ayaa shaacisay in loo isticmaali doono sida TV yada cml waxaad ubaahan tahay kaliya inaad anteeno yar xaga sare ee gurigaaga ka taagato iyadoo aan muhiim ahayn inaad jiho ujeediso balse dhinac walba aad ujeediso ay anteenada ku shaqeyndoonto si dhib yaraan ah.

CILMI UBAAHAN MIYAA ISTICMAALKA INTERNETKAAN?

maya wax cilmi cusub oo loo baahan yahay inaad internetkaan isticmaasho majirto sida programintiisa iyo rakibida anteenada qof walba waa uu kari karaa kaliya anteno gurigaaga ka dul taago oo fiilada kaso baxday antenada ku xero Routerka netka. Ee guriga kuu yaal.

HADABA QAABKEE LACAGTA UBIXINAA NETKAAN?

Waxaa jiri doono website iyo applicationo internetka lagu soo shaacin doono waxaad ka iibsan kartaa hadba inta GB ee aad ubaahato adoo lacagtana ku bixinaaya qaab online banking ah adoo raacsiinaaya serial numberka antenadaada sida receiverada  BEIN SPORT aad u iibsato netka. Oo kale.

HADABA LAGA JABSAN KARAA /AMA LA XADI KARAA NETKAAN?

Wax walba waa suuro gal oo wax 100% la ilaaliyay majiro aduunkaa   balse dhawaanahaan maaha. Maxaaa yeelay in la jabsado waxaa ka horeysa in la barto. Cilmiga waxa uu ka sameysan. Yahay netkaan iyo qaabka uu ushaqeeyo kadibna hacking lagu sameeyo balse macquul ahaan shaha warkaan maaha mid goor dhow dhici kara

W/Q: Eng.Adel ugaas cabdi  (ICT Consultant)

COMMENTS
LINKS